|

Tobanaan Kun oo Ruux oo Banaan Bax ka Dhigay Magaalada Hamburg oo uu Todobaadka Danbe ka Furmi doono Shir madaxeedka Dalalka G 20

Hamburg 03. July 2017 (SDN/QJ):- Tobanaan kun oo ruux oo banaanbaxaya ayaa isugu soo baxay Magaalada hamburg ee Dalka jarmalka, halkaas oo todobaadka dambe lagu qaban doono kulan madaxeedka dalalka G 20, uuna markiisii ugu horaysay ka qaybgeli doono Madaxweynaha Maraykanku Donald Trump.

Banaanbaxyadan ayaa qayb ka ah tobanaan isu soo bax oo kale oo lagaga horjeedo kulan madaxeedkaasi oo dhici doona maalmaha Jimcaha iyo sabtida ee soo began.

 

Ciidamada Booliska ee Magaalada humberg waxay sheegeen in dadka banaanbaxayey ay gaadhayeen illaa 10 kun oo qof, laakiin warar madaxbanaan ayaa sheegaya inay tiradaa aad uga badnaayeen, waxana la sheegay inay illaa 100 kun oo qof u diyaariyeen banaanbaxyo dhici doona labada maalmood ee kulankaasi socon doono.

Comments are closed