|

Toban Milyan Oo Ka Mid Ah Shacabka Dalka Itoobiya Oo Macaluul Ba’an Ku Dhufatay

Addis-ababa,8Dec,2015(QJ/SDN)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in in kabadan toban milyan oo qof oo ay ku jiraan lix milyan oo caruur ah ay u baahnaandoonnaan cunto degdeg ah bisha koobaad ee sannadka 2016-ka.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen, ayaa sheegay in abaartu ay sii jiri doonto sanadka soo socda.

Cabaqadda u wayn ayuu ku sheegay in ay tahay sahayda cuntada iyo gaadiidkii lagu gaadhsiin lahaa dadkaasi.

Hay’adda gargaarka ee Britain ee Save the Children ayaa sheegtay in abaartan Itoobiya ay tahay tii ugu darnayd ee soo marta muddo konton sanno ah, isla markaasna dawladdu u baahantahay in kabadan hal bilyan oo doollar si ay si hufan wax uga qabato xaaladda Ethiopia.

Ugu danbeyntii, Dalka Itoobiya ayaa ah mid dadkiisu inta badan ay yihiin kuwo macaluul la saaxiib ah, wallow dowladda Itoobiya ay iska indha tirto dhibaatada gudaha dalkeeda ka jirta.

Comments are closed