Toban Kun oo qof oo Soomaali ah oo ku xayiran dalka Koonfur Sudan ee Qalalaasaha dagaal ka socdo iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalia oo ka hadashay {DHAGAYSO}
Muqdisho 24.Dec 2013 (SDN)- Fowsiya oo ka mid ah guddi uu urur goboleedka u xil saaray dhexdhexaadinta dhinacada ku dagaallamaya Koonfur Sudan ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in Soomaali badan oo dalkaas ku noolaa uu saameyn ku yeeshay dagaalka socda.
Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaalida, iyadoo intaas raacisay inay kala hadashay madaxda dalalka ay soohdimaha wadaagaan Koonfur Sudan inay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa Soomaalida ku xanniban dalkaas.
Dhowr qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dagaallo ka dhacay magaalooyinka Juba iyo Bor.
Soomaalida ku nool dalka Koonfur Sudan ayaa u badan dad ganacsato ah.
Dagaalka ka socda Koonfur Sudan ayaa u dhaxeeya madaxweynaha dalkaas Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenkii hore oo mucaarad noqday. In ka badan 500 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/foosiyaJuba.mp3″]
Guji Halkan oo Mobilkaaga Ka Dhagayso Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibada
Juba SDN.
Qubejoog.com