Tirtiridda & Xasuuqii ugu Xumaa ee Qoomiyada Rohingya ee Myanmar iyo Daawashada Muslimiinta Caalamka Warbixin DAAWO
Myanmar 01. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaynu maraynaa in aanay wax lala yaabo noqon, in Qoomiyad dhan dunida guudkeeda laga tir-tirayo, iyadoo indhaha Beesha Caalamku daawade markhaati ah ka yihiin, Walaalahood oo kuwa daawanayaana dhex-fadhiyaana ka damqan waayaan.
Qul-qulka dhiigga iyo xasuuqa aan kala go’a lahayn ee ka socda waddanka Koonfurta Qaarada Aasiya dhaca ee Myanmar, oo mar kale 25 kii bishii August dib u bilowday. Waa mid aan qarsoonayn, oo ay dowladi ku gumaamadayso Dadkeeda intii Muslimiinta ah, waliba ku faanayso inay tir-tirayso Dad ay ku tilmaantay inaanay dalkeeda u dhalan ee doolaalo ku yimaaddeen.
Warbaahinta reer Galbeedku-na waxay ku sheegtay tirada maalintaas oo keliya dowlad ku sheegtaas Ciidammadeedu xasuuqeen 100 Ruux oo Muslimiin ah, kumannaan la baro-kiciyey oo ay nafta ula carareen oo u gudbeen dhinaca waddanka deriska la ah ee Bangaladesh, kumanaan kun oo kalena xuduudda laga xidhay oo Bangaladeshtii ay dirqiga ku soo gaadheen u loogtay Cadawgii eryanayay ee nafta kala carareen.
Arrinta murugada sii laban laabaysaa, waxay tahay in Bangaladesh, qoxootigii waddankeeda xadkiisa galay ee magangalyada dalbanayay, ay dib ugu soo celinayso xuduudda Mayanmar una soo gacan gelinayso Dad-qalatadii xasuuqaysay ee dalkooda ka soo barokicisay.
Nin Walaalkii u hadli waayay, kana damqan waayay, kuma canaanan karo kulamana yaabayo, dawladaha Midowga Yurub, Maraykanka, Qaramada Midoobay, Hay’adaha sheegta inay u ordaan Xuquuqda Aadamaha iyo Ururrada tirada badan ee kale, inay ka aamusaan, Ummulo-dooxa iyo hadaaqa Awlaadda iyaga iyo Waalidkood-ba birtu saaran tahay, inta badanna nolosha lagu gubayo.
Dawladda Turkiga oo keliya ayaa ah waddanka Islaamka ah ee illaa hadda cambaareeyey ugu yaraan, gumaadka Shacabka Muslinka ah ee dhiiggooda ay bannaysatay Myanmar.
Daawashada Muuqaalkii Argaggaxa lahaa ee Xasuuqa laga Duubay;
Muuqaallo uu qaatay Satellite, ayaa soo bandhigay, baaxadda deegaannada ay gubeen Ciidammada Burma ee ay degaan Bulshada Muslimiinta Rohinguhu, oo gaar ku ah gobolka Woqooyiga dalkaas ku yaal ee Rakhine State.
Dabka Ciidammadu qabadsiiyeen, magaalooyinka iska dhan, tiro ahaanna Muuqaalku soo bandhigay ay tahay 10 magaalo oo isla gobolka Rakhine ka mid ah, waxay daba socdeen, markii dawladda Myanmar ay ku mar-marsootay inay daba joogto mitidiin Rohingya ah oo weeraray siday sheegtay xero ciidan, 25 kii bishii August, 2017.
Muuqaalkan cusub ee dunida argaggaxa gelin lahaa haddii ay noqon lahaayeen dadkaas la gubayaa, kuwa ka soo jeeda waddamada reer Galbeedka midkood ama Shacab Gaalo ah, waxaa looga gaabsaday, Dadka nolosha lagu gubayo oo haysta Diinta Islaamka.
Weriye Caydaruus Sheekh Cumar Geeddi