|

Tirsigii 3-aad Dhibaatooy​in Cakiran ee dabray Dhalinyara​da Somaliland iyo Fashilaada Qaawan ee dul hoganeysa Xukuumada Siilaanyo

Somaliland dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30 jirka waxaa lagu qiyaasaa Boqolkiiba 65% , ardeyda dugsiyada Somaliland dhigta guud ahaan sida Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare waxay Gaadhayaan ilaa iyo 220,000 oo ardey, Ardeyda dhigata 21- ka  Jaamacadood ee Somaliland waxay gaadhayaan Ilaaa iyo 27 ,000 oo ardey, kuwaas oo aan ceelna u-qodneyn cidina  umaqneyn.Taas oo hadana nasiibdaro dhawaan La isku raacey in Somalinad 3dii caruuraba mid keliya uu nasiib u helo in uu waxbarshada dugsiyada  hoose dhigto. Daraasad kale oo iyana dhawaan lagu  sameyney guud ahaan dhalinyarada reer Somaliland ayaa xaqiijisey oo ka dhigtey in ay dhalinyaradu yihiin JSL majooratigii shacabweynaha  reer Somaliland. Waxaa Caalamku isku wada raacey in Guusha qaran kastaa ay ku jirto guusha dhalinyaradeeda, . Nasiib daro se waxaa haysata Dhalinyarada reer Somaliland dhibaatooyin baahsan oo isbarkadey oo ay ka mid yihiin kuwan Hoos ku qoran:

– Shaqo la’aan ( Lack of employment opportunities)

– Tababar La’aan ( Limited access to training)

– Talo La’aan ( Lack of career and Education Counselling)

– Higsasho La’aan ( Lack of positive Role Model)

– Dhaqaale la’aan ( poverty)

– Madadaalo La’aan, hadey noqoto Sports ama Madadaalo kaleba

– Iskaa –Wax uqabso La’aan ( lack of Volunteerism and Work experience)

– Waxbarsho La’aan ( shortage of vocational training schools and teachers)

– Sentaro La’aan ( Lack of youth and cultural Centres)

– Xirfad basho la’aan ( lack of apprenticeships)

– Taas oo keentay in dhalinyaro badan ay naftoodii isweydo kadib markii ay ku hungoobeen balan qaadkii Xukuumada Siilaanyo ee afka baarkiisa ahaa ee ka buuxay buugii cagaarnaa iyo bug-yarihii higsiga qaranka.

Waxa ay Xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantey in dhalinyarada u Qorsheyso Qorshe Fog oo ay dhalinyaradu mustaqbalka ku hamido oo higsato oo ay ku noolaato.

Waxaa  4-tii sanadood ee xukuumada Siilaanyo wadanka hogaamineysey dhalinyarada reer Somaliland ay indhahooda ku daalacdeen in  jaaniska yar ee  shaqo ee wadanka ka soo baxa la musuq-maasuqo oo lagu qaadan waayey Merit ee lagu qaato oo lagu shaqo geliyey wasdo iyo ” Yaa tahay”  Taasina waa ceeb iyo fadeexad xukuumada dul saaran.

Caqabadahaa aan kor ku soo sheegay iyo qaar kale oo badani waxay ku keliftey dhalinyaradii Somaliland gaar ahaan kuwii loo hanweynaa ee Dugsiyada  sare iyo Jaamacadaha dalka ka baxay in ay TAHRIIBAAN ka dibna ay naftoodii macaaneyd ku waayeen oo ay ku haligmeen badaha waaweyn iyo saxarayaasha aduunka ugu khatarsan.

Qaar kale oo kamid ah dhalinyarada Somaliland waxay naf moodeen oo ay waqtigoodii qaaliga haa ay ku lumiyeen mukhaadaraad aan kantarool laheyn sida Qaadka iyo wixii lamid ah taas oo ay waqti dhaafis mudeen. Kadib markii Mukhaadaraadkaas oo uu qaadku ugu horeeyo ay naftoodii la saaxiibtey ee ay  qabsatey (ADDICTION). Qaadku wuxuu dhalinyaro farabadan uu ku tuuray haadaan dheer iyo halaan hal hoog ah taas oo ay ku  adakaatey qaar badan sidii ay uga soo bixi lahaayeen dabinkaa qoob xidhka ah, waxaana dhaliyaro badani ku danbeeyeen in ay la noolaadaan oo ay qaadaan xanuunka dhimirka oo ay balwadoodii sababta kowaad u noqotey.

UBUC:

Hadaba waa aqoon yahanka hawlaha dhalinyarada u-dhuundaloolaa ay isku wada raaceen in Xukuumada Siilaanyo ku fashilantey qodobadan tirade badan ee  hoose , Taas oo hada shacabka SL ay u cadaatey in Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee dhalinyarada SL ( Somaliland Youth, Sport and Cultural National Plan ) ay ka dhigtey xukuumadu oo ku soo koobtey oo keliya gole ka fuul iyo wax yaabo yar yar oo maadi ah sida guri baanu udhisney dhaliyaradii:

1- Waxaa xukuumada Siilaanyo  ay ku fashilantey in ay ka shaqeysiiso oo wax ka bedel iyo kaabis ku samayso shuruucdii lagu hagi lahaa dhalinyarada JSL (National Youth Policy) kuna saleyso waqti dhow iyo mid dheer sida 2 years ama 10 years strategies. Mar hadii ay ka shaqeysiin waydey qaybtii ay dhalinyaradu ku laheyd ( National Development Plan 2012-2016)

2- Waxay xukuumadu ku fashilantey in ka wacyi geliso Tahriibta iyo Balwada  ilmo kasta oo dhameysta Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha dalka si ay u helaan Talo buuxda oo wadaninimo oo ku xasilisa wadankooda mustaqbalkiisa ( on-going Information, Advice and guidance support ).

3- Waxay Xukuumadu ku fashilantey in ay sii dhiiri geliso 9 ka ( Youth Centre ee Somailand ka Jira) si loo caawiyo, xaga dhaqaalaha iyo sidii ay u soo jiidan lahaayeen dhalinyaro aad u badan, wacyi gelin iyo xirfadana  ay uga u-buuri lahaayeen Santaradaasi si ay Santaradu u noqdaan bar timaameedyo lagu soo hirto oo ay mar walba joogaan ( professional Youth workers and sport coaches)

4- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in Xaafadaha caasimada ay uxaqsoorto oo ay xaafad walba laga sameeyo Santaro shaqeeya  ( Youth and sport/cultural Centres) si ay  dhaliyaradu ugu kulmaan kuna ciyaaraan ciyaaraha kala duwan laguna wacyi geliyo, gaar ahaan degmooyinka wadanka oo dhan waxay aheyd in si waafi ah Santarada loo gaadhsiiyo oo looga shaqeysiiyo.

5- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in iskuulada dhexdooda laga Aas-aaso  (Youth clubs and youth Centres) lagana sameeyaa  kooxo ardeyda ka mid ah oo ka qeyb qaata Ciyaaraha kala duwan oo ay ku jiraan kuwa hidaha iyo dhaqanka.

6- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in la qabto Sanadkii Laba jeer tartan Ciyaaraha kala duwan ee dalka  lana siiyo koobab iyo aduunba kooxaha ku guuleysa ciyaaraha kama danbeysta ah.

7- Waxaa Xukuumadu ku fashilantey in La sameeyo (National Summer youth Programme) waqtiyada ay iskuuladu fasaxa yihiin si ay dhaliyaradu isu dhexgalaan una  helaan madadaalo iyo waayo aragnimo joogto ah.

8- Waxaa ay Xukuumadu ku fashilantey  in la sameeyaa Mashaariic Iskaa –wax uqabso ah (National Youth Voluneering Programme) si ay dhaliyaradu u bartaan xirfadihii ay ku shaqo tegi lahaayeen iyo waayo aragnimo shaqada u fududeysa mustaqbalka.

9- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in la sameeyo (National Youth academy) si loo helo dhalinyaro tababarayaal ka noqda Santarada iyo iskuulada wadanka oo dhan ( Youth and sport Centres) ee ay dhalinyardu isugu yimaadaan.

10- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in la dhiirigeliyo oo guno joogto ah oo waafi loo qoro National Teamska sida National Foolball team, Basketball Team, iyo Athletics team intaba.

11- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in ay sameeyaan National Team ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ah si uu dhaqankeena iyo hidaheenuba u sii jiro, waana in dhaliyarada lagu dhiiri geliyaa dhaqanka, Diinta iyo hidaha suuban.

12- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in tababaro gudaha iyo debedahaba loo helo macalimiintii ka qeyb qaadan laheyd tababarida dhalinyarda ( Youth coaches) hadii ay noqoto xaga cayaaraha kala duwan ama xirfadaha ama wacyi gelinta dhalinyaradaba.

13- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in ay abuurto goobo yar yar oo degmo kasta ah oo xirfadaha lagu barto( Apprenticeships) weli Somaliland lagama helin tiro dhalinyaro ah oo xirfad barte ah ( apprentice) taas oo Xukuumada Siilaanyo ka dhigtey Madaneyso ubad (apathetic) aan hadana waxba u aabo yeelin ee daani ah.

14- Waxaa ay Xukuumadu ku fashilantey in Wasaaradaha dawlada iyo Hayadaha madaxa banaanba ay ku dhiiri geliso in ay tababaraan oo ay siiyaan dhalinyarada ( Workpalcement ) ugu yaraan 10 dhaliyaro ah Wasaarad waliba ama Hayadwaliba gaar ahaan dhaliyarada Jaamacadaha dhemeysatey ee ay shaqo la, aantu ragaadisey.

15- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in ay u filiso dhalinyarada Mashruucii Gurmadka Qaranka ( National Service ) ee uu madaxweynuhu uu afkiisa kaga dhawaaqey khudbad sanadeedkii Janaayo 2012.

GUNAADAD :: Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID wuxuu u balan qaadayaa in uu qodobadan sare oo dhan uu dhalinyarada reer Somaliland u fulin doono hadii ay ucodeeyaan oo doortaan mudo kooban.

“Wixii aan saxay alle ayaa mahadeeda leh wixii aan khaldeyna shaydaan baa leh”

“Afdiinlaha Siyaasigu mar-buu dhamac afuufaaye

Allow sahal amuuraha aakhiro samaan oman baa jire’e.”

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh,

Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle

Qoraa Madax banaan
Senior Intensive ED BD PA
United Kingdom

London

Comments are closed