|

Tirsigii 2-aad ” from 26/6/10 – 26/6/15 oo 5 sanadood ah Waxay xukuumada Siilaanyo ku fashilantay waxqabad taas oo mad-madow iyo mugdi gelisay Hankii, Himiladii iyo Higsigii Qaranimo

Waxaa shiikh iyo shariif iyo wax garadka reer SL ay isku wada raaceen in mudo xileedkii 5-ta sanadood ahaa ee ay xukuumadani dalka hagaysay ay fashilantay taas oo waxyaabihii yaraa ee maadiga ahaa ee ay dalka ka qabatey ay ka  culus yihiin kana badan yihiin dhibaatooyinkii ay gaadhsiisey dalka iyo dil-dilaacyadii,  hitaaqooyinkii  qeybsanaantii iyo qabyaaladii ay ku dhex-tuurtay shacabkii walaalaha ee reer SL. Xukuumada Siilaanyo waxay dacar iyo mal-mal isu marisay dhamaan beelihii walaalaha ee wadanka wada lahaa iyada oo adeegsanaysa hawl-wadeeno ay dhuuxa ka gashay ” ku qabso ku qadi mayside ” iyo Qaado aan Qaatee !!  waxaana  tusaale kuugu filan muranka ka taagan ceelashii iyo baliyadii biyaha laga cabi jiray ee soo jireenka ahaa sida:
 
a) Baliga Diireye Gulleed oo dhimasho iyo dhaawac badani ka dhacay welina hoosta ka huursan.
b) Ceekii  Ceel-Daraad oo Ceel-daraad kale laga ag dhisay ” Waxaan maqli jiray labadii xaq-daro ku heshiisa xaqa ayey ku Coloobaan ” 
C) Ceel-lahelay, Ceel-sheekh iyo Abdi Geedi oo Xaalkoodu hada yahay Awdal bay ka tirsan tahay iyo Maroodi Jeex ha la raaciyo. 
 
Muwaadin hoos ka bogo  liiska Afooyinkii godobta wada ahaa ee ay Xukuumada Siilaanyo kala dhex dhigtey shacabkii iyo dhamaan beelihii iyo bulsho weyntii reer Somaliland. Ku waas oo Xukuumadan hadh-dacaaran  ay ku gel gelimeysatey, kuna asqowdey,kuna ceyn iyo baydba godey hadana ay ku adkaatey sidii ay isaga maydhi laheyd fadeexadii iyo ceebihii gunnimada ahaa ee goobahaas ka soo gaadhey oo ilaa  iyo maanta  xukuumada ku ah hurgumo iyo bar madow oo aaney iska meydhi karin ee u noqon doona tixraac iyo tiraab taariikhda ugala oo lagu xasuusan doono abid.
.
 1- Waxay xilkii si kedis ah uga xayuubisay dhawaan 28/4/15 Gudoomiyihii Maxkamada sare iyada aan kala tashan una gudbin labada gole si ay fushato damaceeda iyo danteeda gaarka ah.
2- Waxaa markabkii hubka siday ee lagu qabtay dekeda Berbera  24/1/15 ay u maareysay sife karaamo la’aan ah oo fadeexad dawladeed noqotay kadib markii ay is hagi wayday  ee ay kala hadashay ee hubkii ka dejisay ka dibna dib u saartay.
3– Inqilaabkii dhicisoobey ee milateriga ahaa ee ay xukuumadu  ku qaadey Golaha Baarlamaanka bishii 15/11/2014.Taas oo sababtey kacadoon dadweyne iyo dhimasho iyo dhaawac ay rasaas nool la dhacdey shacabkii dirtay ee doortay.
4- Weerarkii maleeshiyo beeleedka hubeysani ku qaadeen 3/11/14 maxrajka sadexaad ee Berbera kaas u dhacey sife loogu magacdarey gardaro garab og, ka dib markii ay hubkoodii guryahooda kula noqdeen iyada oo aan cidii ka danbeysey ee hageysey weerarkaa ay xukuumadu indhaha ka lalisey oo aan sharciga la hor keenin.
5– Boobka iyo Bililiqeysiga Guryihii dawlada , dhulkii iyo hantidii maguuraanka aheyd ee qaranka sida Guryaha Wasiirada ugu tunka weyn loo xalaaleyey iyo kuwa loo sadqeeyey shirkadaha gacan wadaaga yaqaan sida Gaandi Libaray weli huursan,Wersheda laydhka ee Hargeisa, Netfish Berbera, Sariibada Octobar iyo Xanaanada dhalaanka ee Hargeisa. Waxaa intaa dheer liisano la bixiyey oo dhinac ka raran oo lagu dhici la yahay.
6-Sameynta Ciidanka ilaalada shidaalka ( OPU ) oo ah ciidan xaaraan ah oo dhinac ka raran oo aanu sharcigu ansixin , ku waas oo loo sameystey shacabkii wadanka lahaa ee xaqa ku taagnaa ee yidhi sharciga soo waafajiya ciidanka iyo shirkadaha shidaalkaba,kuwaas oo aan baarlamaanka laga ansixin oo ay ka qayliyeen ilaa iyo UN monitoring group.
7- Odayaashii reer Awdal ee cabashooyinka soo bandhigay kadibna  kuwii ay ka cabanayeen si badheedh ah oo gunnimo ah gudi ahaan loogu saaray ee lagu bahdilay Salaadiintaas ,taas ay xukuumadu ucadeysey in aan loo sineyn yuhuunta  iyo talada dawladnimada Somaliland.waxay arintani keentaya in Suldan Wabar Buurta galo oo khal-khaliyo Nabadgelyadii JSL.
8– Odayaashii Ciise ee iyana iyaga oo kabna lulaya kabna laa-laadinaya ka huleelay S/land markii Ganafka la geliyey ee la dhegaysan waayey.
9– Saraakiishii habka  qorsheysan ee shirqoolka u-eeg  loogu laayey Qori lugud iyo Saax-dheer ee hadana  sida tukaha loo aasey.
10--Dilkii-foosha xumaa ee Seemaal, ee loo xidh-xidhey dadka fara badan ee uu ka midka ahaa waqtigaa la taliyihii hore ee siyaasada ee madaxweynaha iyo iyana fadeexadii iyo ceebitii  ka dhacey  Ceel-bardaale iyo sidii foosha xumeyd ee xukuumadu maareysay.
.
 11-Dagaalkii  dhiilada badnaa  ee ka dhacey Degaanka Buuhoodleh  iyo kalshaale ee xilkiisii uu ku waayey taliyihii ciidanka qaranka ee waqtigaa, .waxaana uu dagaalkaasi sababay in ay waayadan danbe ay xukuumadu ku fashilantey sidii degaankaa dawladnimada S/land loogu fidin lahaa ee loogu soo dabaali lahaa.
 12Diyaaradii sidey saanadda  ciidamada ee Puntland ee Hargeysa Air port lagu qabtay 12/1/11 ee waxoogaga lacagta ah laga qaatey, ka dibna lafasaxay ee ooda laga qaade.
 13 26/3/12 Raashinkii danyarta laga duudsiyey oo dhamaa 2 doonyood oo buuxa ee dib loogu eedeeyey xeyndaabkii madaxtooyada iyo madaxdii xukuumada taas oo aan ilaa iyo hadana aan la garaneyn Lunsigaa raashinkaa danyarta cidii masuuliyadeeda laheyd.
14- 20/3/12 Liisankii ama rusqadii qaraabo kiilka aheyd  ee shirkada ninka keliya leeyahay la siiyey ee loo haneeyey loona caseeyey Wershadii Sibidhka iyo Buurihii  Sibidhka ahaa  oo ahaa  “Collective ASSET-kii”  ummadda Somaliland oo dhami wada laheyd.
15- Ceebtii ka dhacdey Doorashadii golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey 28/11/12 ee ay xukumuudu af-duubtey ilaadadii iyo foodkii shacabka, taas oo ay ku dhinteen dhalinyaro, qaarna ay ku dhaawacmeen halkaasna ay ku wiiqantey sharaftii iyo karaamadii doorashooyinkii S/land lagu amaani jirey ee lagu majeeran jirey, taas oo iyana sii sababtey in uu hoos u sii dhaco halbeegii qaramada midoobey ku cabiran jireen xaraarada nabadgelyada S/land ku negaatey oo hada kala wada level ah.
16) -Waxaa Ceeb, ma hadho  iyo bar nadow ku ah xukuumada Siilaanyo sidii ay umusuq-maasuqdey lacagtii Malaayiinka doolar aheyd ee loogu talo galey in lagu dhiso Madaarka Hargeysa iyo Madaarka Berbera, Taas oo aaney weli shacabka S/land  ucadeyn siyaabihii ay lacagahaasi ku baxeen. Waxa shacabku isku raacey in qanadaraaskaa  over $10 Million ee dollar ahaa lugu abaalmariyey, laguna naas-nuujiyey shaqsi keli ah oon shirkad aheyn.
 
17) -Waxaa Xukuumada  Fadeexad qaawan iyo Ceeb ugu filan lacagihii Mallaayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay ka qaadatey Shirkadihii sameyska ahaa ee Sahaminta shidaalka oo ay ugu horeyso  Genal Energey iyo shirkadaha kale ee  DNO, ASDAN, RAC-GAAS, AVEAL, ASANTI OIL, OPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA, iyo  EAST AFRICAN RESOURCE GROUP kuwaas oo aan dhamaan baarlamaanka la hor keenin oo aan midna la siin Shahaadad Maangashi oo baarlamaanku saxeexay.
18) -Waxaa iyana ay xukuumadani la kowsatay Caadooyin gunnimo ah oo ay had iyo jeer kula  gal-galato Saxaafada madaxa banaan ee madaniga ah taas oo albaabada u laabtay wargeysyadii Haatuf,Hubaal iyo Somaliland times waxaana ay  xabsiga dhigtey xukumadani tiradii ugu badneyd abid ee weriyeyaal la xidho oo la jidh dilo kuwaas oo gaadhaayey ilaa 70 weriye iyo madax badan oo Xisbiyada mucaaridka ka mid ahaa, Xildhibaano xasaanadii laga qaadey oo la xidhey.
19) Waxay ay si aargoosi degamsan ah xilalkii uga wada xayuubisey oo u geeso garaacdey wasiiro badan oo isku degaan ka soo wada jeeda oo ahaa ragii ugu aqoonta iyo kartida badnaa xukuumadeeda waxaana ka mid ahaa mujaahid Mohamed Xaashi, Cimi, Boobe Yusuf Ducaale , Dr Mohamed Abdillahi Cumar, Dr Ahmed hashi Odey , Samaale oo firdhaday markii  ay mission ku fushatay, Abdillahi abokor osman Wasiirkii hore ee Amniga, Taliyihii hore ciidanka  qaranka general  A/baasid nuux taani iyo taliyihii ciidanka ee ku sii xigay General Mohamed Hassan C/llahi ( jidhif ). Halka ay wasiiradii degaanka madaxweynaha ka soo jeedaa ay iyagu noqdeen qaar lala doortay Madaxweynaha oo iska noqday lama bedelaan, lama taabtaan, Ceeb ka saliin wada ah  “Timir Lafbaa ku jirta” !!
20)- Waxay xukuumadani si arxandaro iyo axmaqnimo ah ay ugu isticmaashey awooda dawladnimo oo ay guryahoodii ku weerareen Ciidankeeda RRU-du Wasiirkii hore ee Amniga Abdillahi Abokor iyo Gudoomiye ku xigeenkii hore ee G/Togdheer Guleed Dahir Samatar, halkaas oo ay ciidankaasi ku gebe-gebeeyeen caruurtoodii iyo xaasaskoodii oo aan waxba iyagu galabsan. ( waana taariikh recorded ah )
21) -Waxaa shacabka  ucadaatey in aaney maanta S/land  jirin maslaxad qaran, maadaama ay xukuumada Siilaanyo ubanbaxdey burburinta jawigii Dimuqraadiga ahaa ee Geedi socdokii Dimuqraadiga ahaa ee JSL ku taami jirtey mudada dheer, waxaaney Xukuumadan Siyaasadeedii hada isugu soo ururtey khidad daciifa oo deris ku nool ah oo duunyo lunsi ah oo damac iyo dan gaar ah  leh taas oo ay dhuuxa ka gashey Aargoosi degamsan, cadaawe siyaasadeed, xiisad sameyn iyo xaalad abuur ku raadgadasho ah oo ay ku raajicinayso uun waqti korodhsi uu aabihii goblamey oo mudo aad u dheer ah.

22)- Waxaa shacabka reer Somaliland wada daalacatey in aaney xukuumadi laheyn karti siyaasadeed oo hufan oo ku saleysan feker buuxa iyo aragti dheer ( vision ) laakiin uu xaalkeedii hada ku soo ururey oo noqdey himbiriirsi, halaan hal,dhafan-dhaaf, dhalaan habaabis, dhal-dhalaal been ah, Wadadu- wadey daalibeysaa iyo musuq-maasuq xadkii dhaafey oo boob hantidii ummadda lagu lunsanaayo sifeyaal kala duwan oo cilmiyeysan.
 
23 )- Maadaama ay xaqdaro iyo dulmi badani uu wadanka ka dhacdey 5-tii sanadood ee ay xukuumadani gadhwadeenka ka aheyd Somaliland, maanta iyo haatana ay faraha la gashey unugii ugu sareeyey qaranka oo ah Dastuurkii iyo Goleyaashii Qaranka oo ummaddii indhahooda ku daalacatey iyada oo usoo gur-guuraneysa habeenkii Golihii Guurtida iyo Golihii Wakiilada, taasina waxay wadanka ku keeni kartaa carqalado ,cawaaqib xumo iyo in  Golayaashii la soo doortey laga aamin ka baxo kadibna  gacmaha  la isula tago oo  dagaalka siyaasadeed uu isku bedelo dagaalo sokeeye oo qarxa, alleh ha inaga hayee.
 
Gunaanad: Siyaasada gamuuran ee guracan ee xukuumada Siilaanyo waxay lumisey haykalkii, hanaankii Dimuqraadiyeed iyo karaamadii dawladnimo,waxay lumisey burjigii, burhaantii iyo buruudkii qaranimo,taasna waxaa cadeyn kuugu filan fashilaada qobadaa tirada beelay ee aan kor kaga soo dhawaajiyey .Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba in aan Xukuumadan Maandheytkeedii iyo waqtigeediiba dhamaaday aan dalka lagu haleyn ee  shirweyne Qaran la isugu yimaado inta ka horeysa 27/7/15 si xal loo raadiyo oo wadanka looga badbaadiyo Fawdo, laguna soo dabaalo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Comments are closed