|

Tiro Nabad-diidka Khaatumo Kamid ah Oo Wajigabax Kala Kulmay Weerar Gaadmo ah Oo ay Kusoo Qaadeen Xoolo dhaqato ku Nool Deegaanka Maskax-buqle

Qorulugud:Aug,14,2015(SDN/QJ)-Inkastoo dhawaan shirweyne Nabadeed lagu qabtay deegaanka Coodanle ee Gobolka Buuhoodle, haddana waxa wali socota ammaandarraddii halkaas ka taagnayd, waxana ay maalintii shalay tiro katirsan maleeshiyada Khaatumo ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen xoolo dhaqato ku sugan Deegaanka Maskaxbuqle oo u dhexeeya Magalooyinka Buuhoodle iyo qorilugud.

maskaUjeedka Weerarkan Gaadmada, Ayaa Lagu Sheegay Iney Kooxdan Nabadiidka Ah Ee Khaatumo Ay Rabeen Iney Geel Ka Dhacaan Deegaanada Ay Degaan Shacabka Reer Guuraaga Ah Ee Ka Soo Jeeda Degmada Qorilugud, balse si weyn ayaa la iskaga caabiyey oo ujeeddadoodii kuma ay guulaysannin.

Waxaana Markii Ay Deegaanka Maskax Buuqle Soo Gaadheen Dagaal Ka Foolka fool ah  ka Hortagey Wiilal Geelal La Joogey Ilaa Hadana Lama Oga Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Halkaasi Ka Dhashey Wararku Waxay Intaa Ku Darayaan In Maleeshiyaadkaasi Raasasta La Dhaceen Geelal Goobta Ka Ag Dhawaa

Weerardan Gaadmada Ah Ayaa Kusoo Beegma Xili Maalmaha Sosocda Lagu Wado In Degmada Qorilugud Uu Shirwayne Balaadhan uga Furmo Beelweynta Solomadow ee deegaankaas degta, iyadoo halkaasna laga filayo inay taniijo kasoo baxdo.

Ma Aha Markii Ugu Horaysey Ee Kooxdan Nabadiidka Ahi Ay Weraro Gaadmo Ah Kusoo Qaado Shacabka Reer Guraaga Ah Ee Degmada Qorilugud Balse Markastaba Waxay Kooxdani Weraradaa Kala Laabtaan Waji gabax Iyo guul la’aan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed