Tiro ku Dhaw 2000-qof Oo u Geeriyootay Cudurka EBOLA Ee Dhawaan Soo Baxay
Monrovia:Sep,05,2014(SDN/QJ)-Waxa sii kordhaya tirada dadka u geeriyooday cudurka dhawaanahan soo baxay ee Ebola, sida lagu sheegay warbixin Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadku soo saartay.
Warbixintu waxa ay sheegtay in dadka xanuunkaas ugu dhintay dunidu ay haatan kor u dhaaftay 19,00-qof kuwaas oo u badan bariga afrika.
Wadamada Guniea,Sierra Leone iyo Liberia ayaa la xaqiijiyay in cudurkan uu ku dhacay dad gaadhaya 3,500 oo ruux. Madaxa hay’ada WHO Margaret Chan ayaa sheegtay in faafida cudurkan uu aad ka awood badan yahay dadaalada lagu doonayo in lagu joojiyo.
Ugu yaraan $600m (£360m) ayaa loo baahan yahay in lagula dagaalamo cudurkan Ebolaha waxaana laga cabsi qabaa in cudurkan uu saameyn ku yeesho dad ka badan labaatan kun oo ruux haddii aan la joojin faafidiisa.
Inkabadan 40% ee ah dadka u dhintay cudurkan ayaa waxaa ay geeriyoodeen saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay sida ay shaacisay WHO.
Dhinaca kale, dowlada Nigeria ayaa ka noqotay go’aan ay hore u gaadhay oo ah in aan la furin iskuulada wax lagu barto dalkaas iyadoo cabsi ka qabta cudurka Ebolaha, Hase yeeshee dowlada Nigeria ayaa waxaa ay haatan sheegaysaa in la furi doono iskuulada badhtamaha bishan September balse ma cadeyn dowlada Nigeria taariikhda rasmiga ah ee dib loo furayo iskuulada.
Laba ruux oo qaba cudurka Ebolaha ayaa laga soo sheegay dalka Nigeria gaar ahaan magaalada Port Harcourt. Waxaana jiray hal ruux oo kaliya oo laga soo sheegay in uu cudurkan ku dhacay meel ka baxsan magaalada Lagos.
Cudurka Ebolaha ayaa waxaa uu sababay in hoos u dhac uu ku yimid guud ahaan dhaqaalaha wadamada galbeedka Afrika, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in bariiska oo wadamada Galbeedka Afrika ka keensan jireen wadamada Aasiya haatan uu sare ugu yimid qiimaha lagu iibsado wadamada Galbeedka Afrika.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com