Tiro Kamid ah Ciidamada Bururdi Oo Hubkii iyo Tuutihii Daadiyey Iyo Militeriga Soomalia Oo Soo Badbaadiyey Xilli ay Hal-ku-dhegyo Laableh ku Qaylinayeen
Yaaq-bariweyne:June,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan 13-kamid ahaa ciidamada Burundi eek u sugnaa xeradii leego ee shalay shabaabku gumaadka ka geysteen, ayaa iyagoo jaahwareersan laga helay deegaanka yaaqbari-weyne oo ku taalla deegaanada leego iyo Wanla-weyn dhexdooda.
Ciidankan, ayaa ahaa qaar firka naxsan, isla-markaana hubkii ay siteen iyo Dirayskii iska tuuray, waxana ay gacanta u galeen Ciidamo militeriga Somalia katirsan oo halkaas difaac kaga jirey.
Yaaqbari-weyne, ayaa waxaa Saldhig Militari ku leh Amisom, balse Ciidanka Dowladda ee askartaasi soo badbaadisay, ayaa markaasi daafacyo kaga jiray meel qiyaastii 3km u jirta Yaaqbari-weyne, waxayna u diyaarsanaayen inay ka hortaggaan Shabaabka, haddii ay ku soo dhaqaaqaan.
Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan oo codsaday inaan magaciisa la baahin, ayaa sheegay Ciidanka Burundi inay ku qaylinayen (Aaway Burundi, aaway Burundi, aaway Burundi?), lagana dheehan karay inay ku shoogeen weerarkii Leego.
C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, oo Jimcihii la hadlay VOA, ayaa sheegay in nolosha lagu la’yahay askar ka tirsan Ciidankii Burundi ee Leego lagu weeraray.
Dhacdadani waxa y markhaati u tahay in Ciidamada Burundi ee deegaanka leego lagu weeraray la gaadhsiiyey jab aad u daran, isla-markaana firxadkoodu meel walba gaadhay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com