|

Tiro Dad ah Oo Gedo Ugu Geeriyootay Gaajo iyo Harraad

Ceel-cadde:Sep,08,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo gobolka Gedo ee somalia, waxa Gaajo iyo Harraad ugu geeriyooday Shan qof oo shacab ahaa.

starWararka ayaa intaas ku daraya in shanta qof ee geeriyooday waayeen biyo ay cabbaan iyo Cunto ay Cunaan, intaas kadibna ay gaadheen heer ay dhintaan.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Gedo, Cabdi Barre Cabdi ayaa Raadiyaha Bar-kulan ee Magaalada Muqdisho u sheegay in ay dadka ku dhinteen meel u dhow deegaannada Ceel-cadde iyo Ceel-guduud oo ku yaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Garbahaarrey iyo Ceelwaaq.

Cabdi Barre ayaa xusay in shanta qof ee dhintay ay isugu jireen afar carruur ah iyo nin waayeel ah. “Waxay ahaayeen dad reer guuraa ah, oo ay soo food-saartay gaajo iyo harraad ka dhashay abaarta ba’an ee ka jirta gobolka,” ayuu sii raaciyay.

 

Wuxuu sheegay in heerka abaarta uu haatan gaadhay xaalad halis ah oo u baahan in si deg-deg ah loo soo farageliyo, isagoo intaas raaciyay in kumannaan carruur ah ay wajahayaan nafaqo-darro.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah dhowr gobol oo lagaga dhawaaqay in ay ka jirto abaar kaddib markii aanu di’in roobkii la filayay.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ayaa hore u sheegay in gurmad la gaadhsiinayo deegaannada abaartu ku dhufatay.

Ma aha markii ugu horraysay ee Somalia dhexdeeda dad shacab ahi u dhintaan  gaajo iyo harraad, waxase sanadahan soo noqnoqonaysay abaar sababtay in dadkii iyo xoolihiiba si fudud u dhintaan

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed