|

Tirintii Codadka Somaliland oo la soo gebagabeeyay

Hargeysa November 18, 2024(QJ) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in la soo gaba gabeeyay tirinta codadka laga dhiibtay guud ahaan gobolada Somaliland.

Codadkii ay dadweynuhu ku dhiibteen doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada siyaasadda ayaa ka gudbay heer deegaan iyo heer degmo, waxaanay hadda u gudbeen heer qaran oo heer gabo-gabo ah maraya.

Muuse Xasan Yuusuf, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in wejiyada dhiman ee tirinta codadka aysan qaadan doonin wax badan. Waxa uu intaasi ku daray inay weli ku jiraan waqtigii sharciga ahaa ee lagu shaacin lahaa natiijada doorashadii dhacday 13-kii bishan November.

Waxa uu shacabka u soo jeediyay inay ka war sugaan ku dhawaaqista komishanka oo iman doona ka dib aaska Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la filayo inuu maanta ka dhaco magaalada Hargeysa.

Comments are closed