|

Maxamed C.laahi Farmaajo oo Noqday Madaxweynaha Cusub ee Somalia Iyo Xasan Sheekh oo Cadeeyay inuu Ka Tanaasulay Tartanka Wareega 3aad ee Doorashad Somalia

Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):-Kadib Markii la soo Gabo Gabeeyay Wareegii 2aad ee Doorashada Somalia oo uu Murashax Madaxweyne Maxamed C.laahi Farmaajo Ku Guulaystay 184 Isla Markaana Qorshuhu ahaa in la Galo Wareegii 3aad ayaa Waxaa Mikiroofanka la Wareegay Madaxweynaha Wakhtigu ka dhamaaday Xasan Sheekh oo Si Kadiso ah ugu Hambalyeey Madaxweynaha Cusub ee Somalia Farmaajo.

Doorashadan oo aheed mid adag ayaa ugu dambeyn waxaa isugu soo haray labo Musharax kuwaa oo ku tartami doona wareega ugu dambeeya doorashada , waxa ayna ku kala bixi doonaan cod hal dheeri ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si Kedis ah uga tanasaulay in uu usii tartamo Wareega sedexaad oo ah wareega ugu dambeeya ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in uu tanaasulay , isagona ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Doorashada taariikhiga aheed ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

Xasan Sheekjh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Maxamed Farmaajo oo noqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliya in lala shaqeeyo Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Sedexda Musharax ayaa codadka u kala helay sida tan

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo 184
Xasan Sheekh Maxamuud 97
Sheekh Shariif Sheekh Axmed 46

Comments are closed