Tirinta Codadka Doorashada oo lasoo gabo gabeeyay (Yaa ku horeeya Codadka) Iyo Murashixiinta Ku Hadhay Wareega Kowaad
Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw lasoo gabo gabeeyay tirinta codadka wareega koobaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana codadka ilaa hada la tiriyay ku horeeya Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.
Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaaminaya Musharaxinta tartameysa ayaa helay codad gaaraya 90-cod waxaana musharax labaad ee kusoo xiga Farmaajo uu isna helay codad gaaraya 72-cod.
Waxaa inta badan wareega koobaad ku haray Musharaxiintii u taagneed Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana wareega labada usoo baxay una tartami doona afarta Musharax ee ugu codadka badan.
Afarta Murashax ee u Gudbay Wareega Labaad ee Doorashada ayaa Kala ah.
- Xasan Sheekh Maxamud oo Haysta 88 Cod.
- Maxamed C.laahi Farmaajo oo Haysta 72 Cod
- Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Hayta 49 Cod
- Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke oo haysta 37 Cod.
Musharaxiinta Ku Hadhay Wareega Labaad Waxay Kala Yihiin ayaa codadka u kala helay sida tan;
Jibriil Ibraahim Cabdulle 1-cod
C/qaadir Cosoble Cali 25-cod
C/raxmaan C/shakuur Warsame 9-cod
Saciid C/llaahi Deni 18-cod
Cali Xaaji Warsame 3-cod
Cabdulahi Cali Axmed (Cadow) 14-cod
C/naasir Maxamed Cabdulle 6-cod
Xaaji Maxamed Yaasin 2-cod
Cabdulahi Cilmooge Xirsi 0-cod
Maxamuud Maxamed Culusow 0-cod
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) 2-cod
Maxamed Cali Ameeriko 0-cod
Saciid Ciise Maxamuud 1-cod
Maxamed Axmed Jabarti 1-cod
Maxamed Cabdirisaq 0-cod
Bashiir Raage Shiiraar 0c
Axmed Maxamed Cabdi 0-codWaxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah