|

TIrakoob: Tirada Weerarada Ka Dhacay Bishii Lasoo Dhaafay Magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed

Al-Aqsa,14,2015(QJ/SDN)-Boqollaal  oo weerarro keligii-duulnimo ah ayaa bishii lasoo dhaafay ka dhacay dhulka ay Yahuudda xoogga kaga heysato Filastiiniyiinta.

Hey’adda qaabilsan Ammaanka guud ee Yahuudda ee loo yaqaano “Shaabaak” ayaa sheegtay in bishii October ee lasoo dhaafay ay Filastiiniyiintu fuliyeen 620 weerar oo ay ku qaadeen dadka Yahuudda ah ee xoogga lagu dejiyay dhulka Filastiin.

Qoraal kasoo baxay Hey’addaas waxay ku sheegtay in 485 howgal ay ka dhaceen Daanta galbeed, 117 weerarna inay ka dhaceen magaalada Al-Qudus, 7 howl -galna waxaa laga fuliyay Mandiqadda khadka Cagaaran ee u dhow magaalada Qudus, halka 11 kalena ay ka dhaceen Jiidda Gaza, iyadoo 483 weerarradaas ka mid ah loo adeegsaday dhalooyin laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Hey’addan qaabilsan Ammaanka guud ee dadka Yahuudda ah waxay Warbixinteeda ku xustay in 10 ruux oo Yahuud ah in lagu dilay howl-galladaasi, waxaana ku dhaawacmay 80 ruux oo kale, kuwaas oo 37 ka mid ah ay xaaladoodu isugu jirto kuwo dhex-dhexaad ah iyo kuwa liita.

27 weerar oo ka mid ah howl-galladaas dhacay ayaa waxay ahaayeen weerarro  keligii-duulnimo ah oo loo adeegsaday Tooriyo, islamarkaana lagu qaaday dad Yahuud ah oo ku kala sugnaa magaalada Al-Qudus, Mandiqadda khadka cagaaran iyo Daanta galbeed.

Warbixintu ma sheegin tirada dadka Filastiiniyiinta ah ee bishaas gudaheed ay toogashada ku dileen Ciidamada Yahuudda, balse tirakoob ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda  Filastiin ayaa waxay ku sheegtay in intii lagu guda jiray bishii October ee aan soo dhaafnay in Ciidamada Sahyuuniyaddu ay dileen 78 ruux.

Ugu danbeyntii, Dhulalka ay Filastiiniyiintu dagaan waxaa tan iyo bishii aan soo dhaafnay ka soconaya howl-gallo keligii-duulnimo ah oo ay qaadayaan dhallinyaro Filastiiniyiin ah, waxaana howl-galladaasi ay billowdeen markii kooxo Yahuud ah ay isku dayeen inay xoog ku galaan Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

QJ/SDN: Hargeysa

Comments are closed