|

Tiradii Ugu Badnayd Ee Xildhibaanno ah Oo Si Cad Uga Soo Horjeestay Xukuumadda Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashiid

Muqdisho:Jan,13,2015(SDN/QJ)-Tan iyo Markii uu dhawaan Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid, waxa soo badanaya Mucaaradda iyo dhaleecaynta Loo jeedinayo, waxana haatan mudanayaashii ugu badnaa ee Baarlamaanka ka tirsani  ku dhawaaqeen inay si rasmi ah uga soo horjeedaan Hannaanka uu u maray dhismaha xukuumaddiisa.

barlamaanka somaliaTani waxay sabab kaga dhigeen in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu dhegaha ka fureystay heshiis ay horey u wada gaadheen iyo digniino, ay maalin ka hor u jeediyeen, oo la xidhiidha inaanu Golaha Wasiirada ku soo darin afar Wasiir.

Xildhibaanada oo siyaabooyin kala duwan uga hadlay kulanka, ayaa waxay balanqaadeen inaanay marnaba aqbali doonin, inay codka siiyaan Golaha Wasiirada ee Ra’isial Wasaare Cumar C/rashiid uu soo magacaabay.

Gudoomiyaha Xildhibaanada Badbaadada Qaranka Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer), ayaa ku waramaaya inaanu Ra’iisal Wasaaraha ka ka sugin, codka kalsoonida oo ay siiyaan Xukuumaddiisa, waxana uu sheegay in xildhibaanada fikirkaas qabaa ay gaadhayaan Ilaa iyo Siddeetan Mudane.

“Waxaan rabnaa inaan u cadeyno inuusan nooga talla gelin in aan codka kalsoonida siino Golahiisa Wasiirada. Asagana ma siin doono cod dambe oo kalsooni ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

“Wuxuu nooga baxay heshiis aan ku gaadhnay in si siman loo qaybsado awoodaha Golaha Wasiirada. Taas markii uu shaki geliyay waxaan kaga dignay in Golaha Wasiirada uu ku soo daro afar Wasiiro.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow.

“C/kariin Xuseen Guuleed oo aad ogtahay in Wasaaradaasi uu ku fashilmay ayuu ku soo daray. Sanbaloolshe oo 58 cisho ahaa Agaasimihii Nabad Suggida waad ogeydeen aflaado ayuu Qaranka u geystay, wuxuuna ku soo daray Golaha Wasiirada. Xalane oo socod siin kari waayay Wasaaradda Maaliyadda ayuu soo magacaabay. Waxaas oo dhan waxaa ka dhib badan Faarax Sheekh C/qaadir oo Wasiirada lagu soo daray.” Sidaasi waxaa yidhi Mudane Dhegdheer.

Xildhibaan Dhegdheer, ayaa sheegaaya in kolka Golaha Wasiirada la horkeeno Baarlamaanka, ay Ra’iisal Wasaaraha ku khasbi doonaan, in dib uu ugula laabto halkii uu ka keenay, sida uu yidhi.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed