|

Tiradii Ugu Badnayd ee Golaha Wasiiradda Dawlada Federaalka Somalia oo Looga Yeedhay Boqortooyada Sucuudiga

Muqdisho 09. June 2017 (SDN/QJ):- Lix wasiir oo ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay iyagoo wada jira waxay u ambabaxeen dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirada ambabaxay ayaa waxa hogaaminayey wasiirka qorsheynta Xukuumada Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Maaliyadda iyo qaar kale, waxaana garoonka Aadan cadde ka duulisay dayuurad qaas ah oo ay dowlada Sacuudigu u soo dirtay.

 

Ujeadada safarka wasiiradan ayaa waxa lagu sheegay sidii ay dhigooda Sacuudiga ula soo saxiixan lahaayeen heshiisyo ku saabsan mashaariic uu Sacuudigu ka fulinayo Soomaaliya kuwaasoo ay ka baxeyso balaayiin dollar.

 

Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah balanqaad ay madaxda dowlada sacuudigu siiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan booqasho ku tegay dalka Sacuudiga.

 

Waa markii ugu horeysay ee wasiiro tiradoodu intaas le’eg tahay ay mar kaliya safar ugu ambabaxaan dalka dibediisa tan iyo markii la magacaabay raisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Comments are closed