|

Tirada Tahriibayaal ku Geeriyooday Badweynta Mideteranian-ka iyo Kuwa La La’yahay

Tripoli:Aug,06,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan  100-Tahriibeyaal ah oo saarnaa Doonni ku degtay Badweynta u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga, ayaa dhimatay, iyadoo tiro kale badan oo baddana wali la la’yahay.

benorWararka ayaa sheegaya in tirada dadka la la’ayahay ay gaadhayaan 700 qof, waxaana doonida la sheegaya in ay saarnaayeen dad tiro badan taasoo keentay in ay degto maadaama doontu ay qaado tiro kooban.

Hay’adda dhaqaatiirta aan lahayn xuduuda ee MSF ayaa xaqiijisay in ay dhimasho jirto balse ma aanay sheegin tirada.

Ilaa saddex markab ayaa baadigoob ugu jira doontan iyo dadkii la socday halkii ay ku dambeeyeen.

Qul-qulka Muhaajiriinta iyo dhimashada ay wajahayaan ayaa si weyn sasnadkan kor ugu kacdey, waxaana qayb ka ah mushkiladda ka taagan dalka Libiya.

Inka badan 2000 muhaajiriin u badan Afrikaan ayaa sanadkan oo keliya ku dhintey xeebaha Libya iyo Talyaaniga u dhaxeeya iyagoo isku dayaya in ay u gudbaan qaaradda Yurub si ay nolol cusub uga sameystaan.

Sanadkasta boqolaal qof ayaa ku dhinta badda u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Yurub, Soomaali badan ayaa naftooda ku biimeeya baddaas si ay u gaadhaan Koonfurta Yurub.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed