Tirada Shacabka Reer Kenya Oo Inka Badan Laba Jibaar Kordhi Doonta Sanaha Soo Socda
Nairobi:Aug,15,2014(SDN/QJ)-Warbixinno soo Baxaya ayaa sheegaya in Tirada Guud ee Shacabka Reer Kenya ay inkabadan Laba jibaar kordhi doonto 35-ka sano ee soo socota.
Sida ku cad warbixin cusub o ay soo saartay QM tirada dadka Kenyanka aya sanada 2015 gaadhi doonta 47 milyan halka sanada 2030-ka ay tiradaasi gaadhi doonto 66 milyan.
Sida ku cad warbixinta ay soo saartay Qaramada midoobay 2050-ka, ayaa waxa ay tirada Kenyanku gaadhi doontaa 97 milyan.
Warbixinta ayaa sidoo kale qeexaysa in tiradani si kordhayso ay u baahan yihiin adeegyo dheeraad ah sida caafimaadka iyo iskuulo.
QM ayaa sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in 35 sano ee soo socota ay kordhi doonto tirada caruurta ku dhalanaysa oo ay gaadhi doonto 2 bilyan oo caruur ah.
Inta badan dalalka reer Afrika ayey tiradoodu si joogto ah u korodhaa sanad kasta, waxana taasi ay warwar ku Haysaa Dhaqaalahooda oo aan kasoo bixi Karin korodhka ku socda dadkooda.
SDN/QJ