Tirada Rasmiga ah ee Ciidanka Kenya Ee Kismayo Kusoo Hadhi Doona Oo La Ogaaday
Kismayo:01-02-2014 (SDN)-Waxa isa Soo Taraya Xogaha Dheeraadka ah ee Warbaahintu ka Helayso Arrimaha Ka soo Kordhay dhinaca Magaalada Kismayo ee La Xidhiidha Raridda Ciidanka Kenya ee Halkaas jooga.
Wararkii ugu dambeeyey ee Halkaas laga Helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Kenya ee Halkaas ku Sugan intooda Badan laga Rari doono Goobaha Magaalada Ka Tirsan ee ay Haatan Joogaan, iyadoo meelo kale la Geyn doono.
Sida laga Warqabo Taliye milateri oo u dhashay dalka Sierra Leone ayaa horraanta bisha February hogganka Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Kismaayo kala wareegi doona taliyaha haatan talada haya ee u dhashay dalka Kenya, waxana ay taasi sababi doontaa in Ciidanka Kenya intooda badan Magaalada Laga Saaro.
Waxaa magaalada ka howlgali doona ciidamo ka kala socda dalalka Sierra Leone, Burundi, ciidamo aan badnayn oo ka tirsan kuwa dalka Kenya iyo boolis ka socda Nigeria.
Ciidanka Kenya ee lagu reebayo magaalada Kismaayo ayaa tiradooda lagu sheegay 130 askari ilaa 170 askari.
Isbeddelkan ayaa la filayaa inuu socdo ilaa dhammaadka bisha June ee sanadkan.
Tallaabada ciidanka Kenya looga saarayo magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka hor yimid qaar ka tirsan dadka ku dhaqan magaalooyin ku yaalla gobolka Jubbada Hoose iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.
Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiradooda ay gaadheyso 3,664 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxayna ku kala sugan yihiin gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay xorreeyeen 19 magaalo oo ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.
Tirada ciidanka AMISOM oo markii hore aheyd 17,126 ayaa la gaadhsiiyay 22,000 kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ah lagu daray howlgalka si loo billaabo howlgalo milateri oo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab.
4,395 oo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan kuwa difaaca qaranka (ENDF) ayaa ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhowaan billaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab.
S.D.N