|

Tirada Maxaabiis Al-shabaab ka qabsatay Ciidammada Kenya & Dhaawacyo la geeyay Nairobi

Muqdisho 18.Jan 2016 (SDN/QJ): – Xafiiska Warfaafinta Kooxda Al-Shabaab, ayaa Maanta Bayaan uu soo saaray ku sheegay in Dagaalyahannadoodu Gacanta ku dhigeen Askar Kenyaan ah oo Nool, kuwaasi oo lagu qabtay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay degmada Ceel-cadde Gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Askar-Dhaawac-ahShabakadda Wararka ee SomaliMeMo oo ka mid ah Hay’adaha Warbaahineed ee baahiya Wararka Al-shabaab, ayaa sheegtay inay heshay heshay bayaan ku qoran luqadaha Sawaaxiliga iyo Englishka oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab waxaana bayaanka lagu xaqiijiyay in dhimashada Ciidanka Kenya ee dagaalkii Ceel-cadde ay gaadhay 100, iyadoo bayaanka lagu xaqiijiyay in Ciidammada Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen 12 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka difaaca Shacabka Kenya ee marka magacooda looo soo gaabiyo KDF.

Askar-Dhaawac-ah-2Bayaanka ayaa lagu faahfaahiyay qaabkii ay Ciidammada Al-shabaab u qorsheeyeen duullaankii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Gedo.

Xarakada Al-Shabaab waxay sheegtay in hawl-galkaa ay fuliyeen koox gaar ah loo yaqaanno Sheekh Saalix Al-Nabhaani.

Dhanka kale, waxa Maanta Magaalada Nairobi la gaadhsiiyey Afar ka mid ah Ciidammada Kenya oo ku dhaawacmay Weerarka Al-shabaab Jimcihii la soo dhaafay ku qaaday Xeradii Ciidammada Kenya ee AMISOM ka tirsani ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde.

Comments are closed