|

Tirada Guud ee Dacwadaha Sannadkii Tegay soo galay Maxkamada Gobolka Maroodijeex,Ciqaab iyo Madani Kee Badan?

Hargaysa 02.Feb 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duraan), ayaa soo saaray Tirakoobkii Dacwadihii iyo Dakhligii soo galay Maxakamaddaha hoose ee Gobolka Maroodi-jeex sanadkii 2014-kii, waxaanu ku sheegay in ay soo galeen 5,921 Dacwadood kuwaas oo isugu jiray Madani iyo Ciqaab.

cabdirashiid-duraan_12_16Sidoo kale, Guddoomiye Duraan waxa uu sheegay Dacwadahaas inay ka soo xeroodeen dakhligii ugu badnaa ee soo gala Maxkamadaha hoose kaasoo dhamaa Hal bilyan, sadex boqol iyo toddoba iyo konton milyan, sagaal boqol iyo toddobaatan kun, sagaal boqol iyo laba iyo afartan shilling (1,357,970,942 sh.sl).

Nuqul ka mid ah warbixin sanadeedka Maxkamadda Rafcaanku u gudbisay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland oo Warbaahinta loo gudbiyay ayaa waxay  u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Dacwadaha iyo Dakhliga Maxkamadaha hoose ee Maroodi-jeex ee sanadka 2014.

Mudane, Guddoomiye waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa Tirakoobkii Dacwadihii soo galay sanadka 2014-ka oo aanu usoo kala qaybinay Maxkamad walba Dacwadaha soo galay Ciqaab iyo Madani wixii ka dhamaaday iyo inta socota iyo Dakhliga Dawladda wixii Maxkamad walba soo galay.

Waxaanu Guud ahaan yahay:-

Guud ahaan Dacwadaha Maxkamaddaha soo galay waa 5,921 dacwadood oo isugu jira Madani iyo Ciqaab.

Waxa madani ah 3018 dacwadood (Madani)

Waxa ciqaab ah 2903 Dcawadod (Ciqaab)

Waxa guud ahaan dhamaaday Ciqaab iyo Madaniba 4791

Dacwadood.

Waxa socda 1130 Dacwadood (oon wali dhamaan)

Guud ahaan Dakhliga Maxkamaddaha soo galay waa:- Hal Bilyan sadex boqol konton iyo todoba Milyan sagaal boqol iyo Toddobaatan kun shan boqol iyo laba iyo afartan Shilling (1,357,970,452/-sh, SL).

Sidaa daraadeed waxaan halkan idinku soo lifaaqnay shaxdii oo ay ku muujisan tahay maxkamadda walba gaarkeed, waxqabadkeedii wixii ka dhamaaday iyo wixii socda iyo Dakhli wixii soo galay ee naga Guddoomo.

Comments are closed