Tirada Dembiyada Sannadkan Ka Dhacay Somaliland, Waxay Kala Yihiin, Inta Dilal Ah, Siday U Dhaceen Iyo Kala Badnaanshaha 2016/2015 DAAWO
Hargaysa 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Hoggaanka Ciidanka Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale, ayaa Saxaafadda u akhriyey Warbixinta Boolisku ka diyaariyey Dembiyadii sannadkan 2016-ka dalka Somaliland ka dhacay, xaddiga ay ka badan yihiin tiradii sannadkii hore iyo waxay kala yihiin Kiiskaas oo tiradooda guud dhan tahay Siddeed iyo Taban Kun, shan Boqol, Konton iyo Sagaal (18559) Kiis, halka ay sannadkii hore ka ahaayeen 18178 Fal-dembiyeed.
Waxa uu Hoggaanka Hawlgelinta Boolisku Warbixintaas ku soo bandhigay Munaasibad lagu xusayey 23-Guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland 3-dii Noofeembar sannadkii 1993-kii, taasoo Taliska guud ee Booliska ee magaalada Hargeysa lagu qabtay 3-dii bishan oo ku beegnayd Khamiistii dorraad.
“Tirada dembiyada dalka ka dhacay sannadkan 2016-ka, waxa dembi ka dhacay 18559 (siddeed iyo toban kun shan boqol iyo konton iyo sagaal), inta beenoowday waxay noqotay 3325 (saddex kun saddex boqol iyo labaatan iyo shan) inta heshiis laga gaadhay lix kun siddeed boqol iyo siddeetan, inta baadhisteedu socoto afar kun toddoba boqol, konton iyo siddeed, inta Maxkamad gashay lix kun shan boqol iyo sagaashan iyo lix, inta la xukumay laba kun saddex boqol iyo toddobaatan iyo afar, inta Garsuge ah waa afar kun laba boqol iyo labaatan iyo laba kiis.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaanka Hawlgelinta Boolisku.
Waxaanu isagoo is-barbardhigaya sannadkan iyo sannadkii hore sida ay u kala badan yihiin dembiyada dhacay uu yidhi; “Haddii aynu is-barbar-dhigno sannadkan iyo sannadkii hore, 2015-kii waxay ahayd siddeed iyo toban kun, boqol, toddobaatan iyo siddeed (18178), halka ay sannadkan ka tahay siddeed iyo toban kun shan boqol, konton iyo sagaal, waxaanay sannadkan korodhhay boqolkiiba laba (02%), taasoo ay sabab u tahay korodhka bulshada iyo kooxaha dhalinyarada ah oo ay Ciidanka Boolisku tallaabooyin adag ka qaadaan.”
Waxa uu Maxamuud Ducaale oo sharraxaya waxay dembiyadaasi kala yihiin, gaar ahaan kuwa dilalka ah uu yidhi; “Tirada Dilalka sannadkan 2016 dhacay waa 71, inta qof ee dhimatay 71, inta Gacan-ku-dhiigle ee la qabtay waa 65, inta Gacan-ku-dhiigle la raadinayaa waa lix, taasoo ay hoos u dhacday 09% (boqolkiiba sagaal). Tirada Kufsiyada sannadkan dalka ka dhacay waa 120, inta eedaysane ee fal-dembiyeedyadaa gashay waa waa 124, inta eedaysane ee la qabtay waa boqol iyo shan, inta eedaysane ee baxsaday waa 19. Haddaynu is-dhinac-dhigno 2015-kii Tirada Kufsigu waxay ahayd 148, sannadkan 2016-kana waa 120, waxay hoos u dhacday 28.”
Hoggaanka Hawlgelinta Boolisku mar uu ka hadlayey Shilalka Gaadiidka sannadkan dhacay, waxa uu yidhi; “Shilalka Gaadiidka ee dalka ka dhacay 2016-ka, waa laba kun shan boqol siddeetan iyo shan Shil baa ka dahcay, inta dhimasho noqotay waa boqol lixdan iyo shan, dhaawac laba kun afartan iyo saddex, khasaare gaadiid kun lix boqol, afartan iyo sagaal, khasaaraha xoolaha shan boqol iyo saddex, khasaaraha dhisme boqol iyo siddeetan. Sababtu waa gaadiidka oo soo kordha, Xirfad la’aanta Wadayaasha oo badan iyo Xawaaraha oo aad u dheer.”
“Tirada Carruurta la tuuray sannadkan waa shan, inta dhimatay waa hal, inta nooli waa afar, waxaanay ka dhaceen gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil. Tirada iska hor-imaadyada hubaysan ee dalka ka dhacay sannadkan waa toban iska hor-imaad, tirada dhimashadu waa 64, tirada dhaawacu waa 75, waxaanay u badnaayeen oo ka dhaceen gobollada Sool iyo Sanaag.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaanka Hawlgelintu.
Hoggaan Ducaale, waxa uu intaas ku daray; “Tirada Khamriga aannu qabannay sannadkan waa afar kun siddeed boqol iyo siddeetan litir oo khamri ah. Tirada Xashiishadda aannu qabannay, waa 57 Kiiloo Giraam iyo shan boqol, toddobaatan iyo toddoba Laab. Tirada eedaysanayaasha aannu ku qabannay waa 66, Gaadiidkaanu ku qabannayna waa sagaal.”
“Waxa Ciidanka Boolisku hawlgallo kala duwan ku qabteen sannadkan toban kun afar boqol, siddeetan iyo hal Qof oo Tahriibayaal ah, kuwaas oo ay si wada-jir ah uga hawlgeen Booliska iyo Waaxda Socdaalka Somaliland, kuwaas oo dhammaantood ahaa Qoomiyadda Oromada oo dalkooda dib loogu celiyey. Waxa kale oo ay Boolisku qabteen Dhalinyaro Afar boqol iyo toddobaatan reer Somaliland ah oo Tahriibayey, kuwaasoo dhammaantood Waalidkood gacanta laga geliyey.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Maxamuud Ducaale.