Dalalka reer Galbeedka ee kormeerayaashoodii kala baxay Siiriya iyo Kofi Annan oo walaac ka muujiyay xaaladaha dalkaas ka taagan
Dimishiq 29, May 2012 (Qurbejoog.com/Reuters)- Dalalka reer Galbeedka, ayaa ergooyinkoodii kormeerayaasha qulqulatooyinka ka socda dalka Siiriya kala baxay wadankaas, taasoo ay kaga soo horjeedaan xasuuqii 108 qof oo shicib ah, caruurna u badnaa oo lagu dilay magaalada Houla.
Siday ku warantay wakaalada wararka ee Reuters, Ergayga nabadda Mr. Kofi Annan, waxa uu Salaasada maanta walaac culus u gudbiyay Madaxweynaha Siiriya Mr. Bashar al-Assad, taasoo la xidhiidhay masiibada laynta ah ee magaalada Houla ka dhacday.
Dalalka Faransiiska, Ingiriiska, Kanada, Jarmalka, Talyaaniga, Spain iyo Ustareeliya, ayaa kormeerayaashoodii xaalada Siiriya kala baxay dalkaas, si ay u muujiyaan walaaca ay ka qabaan dhimashada dadka shicibka ah.
Dalalkaasi waxay hoosta ka xariiqeen go’doominta diblomaasiyadeed ee Madaxweyne Bashr al-Assad.
Laynta dadka shicibka ah ee magaalada Houla waxay keentay dhaleecayn xoogan oo ka timi caalamka oo dhan, iyadoo Qaramada Midoobay sheegayso dadkaasi ahaayeen qoysas lagu toogtay guryahoodii. “Bashar al-Assad waa dilaha dadkiisa,” ayuu yidhi wasiirka Khaarajiga Faransiiska Mr. Laurent Fabius oo u waramay wargeyska Le Monde. “Waa inuu xilka iska dhiibo, sida ugu wanaagsan, uguna dhakhso badan,” sidaana waxa yidhi wasiirka Khaarajiga Australia Bob Carr. “Xasuuqa inka badan 100 (qof) ee raga, haweenka iyo carruur ahi, waxay ahayd amakaag iyo dambi xanuun badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dawladda Madaxweyne Asad waxay xilli dambe oo Isniintii ah beenisay inay wax lug ah ku lahayd dhimashadaas, waxayna sheegtay xataa in aanay hub culus ku haysan deegaankaas.
Qurbejoog.com, Dimishiq