|

Tirada dadka loo qabqabtay qaraxyadii ruxay Nairobi iyo xaalad cusub oo Soomaalida ku dhaqan la soo deristay

Nairobi 12, March 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidanka amaanka Kenya, ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 4 qof oo lala xidhiidhiyay qaraxyo Sabtidii ruxay magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Siday ku warantay warbaahinta Kenya, qaraxyadaas waxay sababeen dhimashada ugu yaraan 6 qof iyo dhaawaca ilaa 40 kale, waxayna ka dhaceen goobo basaska laga raaco oo ku yaala gudaha magaalada Nairobi.

Boolisku waxay weeraradaas ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab oo dhowaan la midawday ururka Al-Qaacida.

Wasiirka Amniga gudaha Kenya Prof. George Saitoti oo dhacdadaas ka hadlay, waxa uu sheegay in qaraxyadaasi ka dhasheen ilaa 4 bam-gacmeed oo lagu tuuray goobo ay dadku ku badan yihiin oo basaska laga raaco, kuna yaala badhtamaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

Dhinaca kale, ciidanka amniga ayaa si wayn u adkeeyay amaanka magaalada Nairobi, ka dib qaraxyadaas.

Ka sokow, waxa jira cabsi xoogle oo la soo deristay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Nairobi, kuwaasoo ka cabsi qaba in baadhitaanada Boolisku wadaan ay saameeyaan, maadaama inta badan ciidanka Kenya ay dhacdooyinka noocan ah u xidhxidhaan Soomaali badan oo ay ka soo ururiyaan xaafadaha magaaladaas.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kooxda Al-Shabaab ka soo saartay eedaynta dawladda Kenya ee qaraxyadaas Sabtidii ruxay Nairobi.

Qurbejoog.com, Nairobi

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed