Tirada Dad Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Shalay Galab Ka Dhacay Duleedka Galbeed Ee Hargeysa + Sawirro
Hargaysa 21. June 2017 (SDN/QJ):-Saddex Qof oo Rag ah ayaa ku Geeriyooday Shil Baabuur oo Shalay Galab ka dhacay Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Degmada Abaarso.
Saddexda Qof ayaa Geeriyooday, ka dib markii ay isku dhaceen Laba Gaadhi oo midkood ahaa Gaadiidka Xamuulka qaada ee loo yaqaanno Shaambooga iyo Taksi yar oo Dad Rakaab ah siday.
Gaadhiga Xamuulka ah oo la sheegay inuu siday Khudaar uu dhanka Hargeysa ku soo waday ayaa waxay isku dhaceen ama is-jiidheen Gaadhiga Taksiga ah, taasina waxay keentay in Saddex Qof oo ka mid ahaa Dadkii la socday Taksigu ay halkaasi ku Geeriyoodaan, halka Gaadhigii Xamuulka ahaana uu dab xoog lihi ka kacay, inkasta oo aanu khasaare nafeed ka dhalan.
Dabka ka kacay Gaadhiga Xamuulka ah, ayaa waxa u gurmaday oo bakhtiiyey Gaadiidka Dab-damiska ee Caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo lagu soo war-geliyey dhibaatada dhacday.
Meydadka Saddexda Qof ee Shilkaasi ku Geeriyooday ayaa waxa la dhigay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxaana baadhitaanka Sida Shilkani u dhacay la wareegay Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland.