Tirada dad Gobolka Gebilay ugu Geeriyooday Cudurka Jadeecada iyo Baaq ay Maamulka Gobolku direen DAAWO
Gabiley 14.April 2015 (SDN/QJ)- Dhawr qof, ayaa Xanuunka Jadeecada ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobolka Gabiley, dad badan oo kalena way u soo ddhaceen Xanuunkaas, sida ay caddeeyeen Maayerka iyo Badhasaabka gobolka Gabiley iyo sidoo kale Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolkaas, kuwaasoo gurmad u galay sidii Cusbitaalka magaaladaas loo soo gaadhsiin lahaa dadka uu xanuunku soo ritay.
Duqa degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa Warbaahinta uga warramay deegaannada uu Xanuunku ka dillaacay, tirada dadka u dhintay iyo sidoo kale tirada dadka uu soo ritay ee u jiifa xanuunkaas. Waxaanay baaq u direen Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ay ka dalbadeen inay gurmad deg-deg ah u fidiso dadka u dhimanaya iyo kuwa u jiifa Xanuunka Jadeecada ee ka dillaacay gobolkaas.
Haddaba, Hadallada Masuuliyiinta iyo Warbixina Warkan oo dhan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
Gabiley SDN/QJ