“Tijaabada Iran Waa Mid Hanjabaad Iyo Daan-Daansi Ah” Maraykanka oo Sadex Dal Wakiil ka ah oo Qoraal u Diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
New York 04. August 2017 (SDN/QJ):- Mareykanka, Britain, France iyo Germany ayaa ku qeexay tijaabadii gantaal ee Iran sameysay dhowaan mid aan waafaqsaneyn qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna weydiisteen madaxa QM inuu baadhitaan ku sameeyo.
Qoraal Dawlada Maraykanku u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay António Gutteres iyagoo matalaya afar dal ayay ku sheegeen in Tijaabada Iran ay samaysay uu Yahay Hanjabaad iyo daandaansi
Khamiistii tagtay ayaa Iran waxa ay hawada u dirtay gantaal xambaara satellite.
Tallaabadaas ayaa dhammaadkii bishii tagtay ee July hoggaamisay in Mareykanka uu cunaqabateyn dhaqaale oo cusub kusoo rogo Iran.
Heshiiskii 2015 laga gaadhay barnaamijka nuclear-ka Iran ayaa lagaga Mamnuucay in Iran samayso Tijaabinta gantaalada riddada dheer, iyadoo dhanka kalena qaraar kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Iran ugu baaqay inaysan sameyn wax dhaqdhaqaaq tijaabo gantaal ah.