|

Tiigsiga Cabdi Iley iyo Tuugsiga Tororoglayaasha

Adeegsiga qalabka war baahinta kala duwan ee ay ka midka yihiin Telefishan (TV),  Warsidaha lagu daabaco warqadda (News Paper) iyo Shabakadaha internetka (Online Media) waxey leeyihiin qawaaniin, shuruudo iyo basar ama aadaab u gaar ah oo loo adeegsado marka aad baahineyso war, xayeysiin, Maqaal ama barnaamij kale oo gaar ah.

Qawaaniinta iyo asluubta warbaahintu, waa waajib in la dhowro oo aan lagu xadgudbin.

Waxaa iyana waajib aan laga maarmi Karin ah in shakhsiga ama kooxda adeegsaneysa qalabka warbaahintu ay marka hore aqoonteeda leeyihiin. Marka xigtana ay dhawraan qawaaniinta iyo basarka loo dejiyey ee ay Warbaahintu leedahay.

Hadii shakhsi ama kooxi ay warbaahin iska abuurato oo ay magacyo ula baxaan, sida:
ogaden24, degaanka.com iyo ilays TV,oo ay ujeedadoodu tahay anagaa iska leh oo waa warbaahintanadii. Lacagtanadaanu ku abuuranney, oo waxaan rabnaan qoreynaa ama baahineynaa, ogoobey markaa qiimihii, dha-dhankii iyo xiisihii lagu yaqaaney warbaahinta yeelanmaayaan. Sidaaseyna ku kala aamin baxayaan iyaga iyo akhristayaashu ama daawadayaashu.

Waxa ay baahiyaani, war, faalo, maqaal, iyo barnaamij kale toona noqonmaayaane, waxey ku sifoobayaan “TOROROG” aan sal iyo raad toona lahayn.
Kuwa adeegsadaana waxay ku sifoobayaan: TOROROGLAYAAL.

Magaca Tororoglayaashu wuxuu kulminayaa oo ku bahoobey:
Warbaahinta Tororogta ee ay ka midka yihiin kuwan aan kor ku xusay oo lagu daray Nirgaha Jig-jiga oo lagu daray kuwii horey uga tuugsan jirey dariiqyada iyo mafrashyada Addis-ababa iyo Diridhabo oo lagu daray Ubada Gaafwareegta.

Waxaan hubaa, shakhsiyaadka iyo kooxahan adeegsada ee wax ku qora magacyadan War Baahinta kor ku xusan, in aaney haba yaraatee wax khibrad ah u lahayn qalabkan ay adeegsanayaan, aqoon iyada hadalkeedaba daa.

Waxaan hubaa in aaney ogeyn xilka iyo mas’uuliyadda ay Qawaaniinta Warbaahintu qeexeyso ee ka saaran waxyaabaha ay baahinayaan.

Waxaan sida aan wedkeyga u hubo u hubaa, in Tororoglayaashu aaney ogeyn, caqli iyo cilmi ay ku gartaanna aaney lahayn in waxa ay qorayaan ama baahinayaan uu yahay wax iyaga ka cimri dheer, oo boqolaal sano ka dib, markey dunidan ka tagaan la akhrisan doono ama la dhageysan doono.
Waxaan hubaa oo la ila wada arkay in aaney u kala soocneyn xaqiiqada markaa jirta iyo waxa ay iyagu jecelyihiin.

Waxaan hubaa in wax kasta oo ay qori doonaani ka bilaabmi doono:
Cabdi Iley.

ku xigi doonto:
Jaan iyo cidhib meeluu dhigay lama arag

Kusoo gabagaboobi doonto:

Isku soo wada duuboo dowlada dhexe ama xafiiska Raysalwasaaraha ayaa la filayaa in ay tallaabo ka qaadaan Cabdi Iley oo ay xilka ka xayuubiyaan.

Caqli xumaa Tororoglayaasha aaminsan in Dowlada dhexe ama Raysalwasaaruhu intuu xilka ka qaado Madaxweyne, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu iyaga ku badali doono.

Caqli xumaa Tororoglayaashu, miyaaney ogeyn in Madaxweyne CMC aan laga soo ganin Addis-ababa ee uu ka soo dhex baxay una soo baxay Deegaankiisa oo ay Shacabka Deegaanku ka raali yihiin kuna faraxsanyihiin kuna taageerayaan horumarka baaxadda leh ee aan la soo koobi Karin ee dhan kastaba ah ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud u horseeday Deegaankiisa.

Caqli xumaa Tororoglayaashu, oo ilowshiiyo dhawaa, miyaaney arkeynin amase maqleynin, markey isusoo baxeen, Hogaamiyeyaashii hore ee dowladihii ka horeeyey tan ka arimisa Deegaanka Soomaalida Itoobiya maanta, Oday Dhaqameedyada, Wax Garadka, Culimaa’u Diinka, Aqoonyahanada, Hooyooyinka, Dhalinyarada, Shaqaalaha iyo Ciidamada Deegaanku ee ay wadajir u qireen Hogaaminta, Maamulka Suuban, Cadaaladda, Amaanka, Isdhex Galka Bulsha iyo Horumarka aan qoraal lagu soo koobi Karin ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud gaadhsiiyey Deegaankiisa.

Caqli xumaa Tororoglayaashu, oo waxay ku riyoonayaani suurow daranaa, miyaaney dareensaneyn in garaadka Siyaasadeed ee Shacabka Deegaanku bislaaday oo aan been abuur iyo dacaayad lagu marin habaabin kareynin oo ay maanta kala garanayaan midka u roon Nabad-diid iyo Nabad-doon. Ka dantooda wada iyo ka dibindaabyeynaya ee aan talaba ka gu’in, ee canaan ka yaabka ah ee dantiisa dad kale u daba fidhiya.

Caqli xumaa Tororoglayaashu, miyaaney wali fahmin socdaalada uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud ku soo kala bixiyey caalamku ee uu kula kulmay Qurbo Joogta u dhalatey Deegaanku, in ay yihiin hordhaca Tiigsigiisa Barnaamijyada Horumarka ee shanta sanadood ee soo socda.

Lax dhukani Col iyo Abaarba mooge, Tororoglayaashu ha la soo taagnaadeen sida habraha habaarkooda, Dhakhtar buu galay iyo Kansarbaa laga qalay iyo Tororog.

Caqli xumaa Tororoglayaashu, miyaaney ogeyn in aan cidina Aamiin odhanaynin habaarkooda oo shucuubta Dalka Itoobiya oo sagaashan milyan kor u dhaafaya ay u wada ducaynayaan Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Xigasho: (Maqaal: Cabdi iley oo kasbadey kalsoonida Shucuubta itoobiya oo idil)

Xog uruurin muddaba la wadey oo dhowaan la soo gabagabeeyey, iyadoo la adeegsanayo hab Casri ah oo Cilmiyeysan amaba Al Jebreysan (Loo adeegsadey oo aad ka dhex heli karto Xisaabta loo yaqaano Algebra) waxaa lagu ogaadey in badiba Bulshoweynta dalkan Itoobiya (Qowmiyadey doonaan ha ka soo jeedeene) ay guud ahaan si buuxda u taageersanyihiin Siyaasadda hogaamiyaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Baadhitaankan oo si gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya, diiradda loogu saarey Shacabka Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu ogaadey in Boqolkiiba Sagaashan (90%) Bulshoweynta u dhalatey Deegaankani ee ku nool Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba ay aad ugu faraxsanyihiin raalina ka yihiin Siyaasadda iyo Hogaanka Suuban ee Madaxweynahooda Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar.
W/Q: Abduljabar Sh. Dahir 2014

Caqli xumaa Tororoglayaashu miyaaney wali rumeysan in Shacabka Deegaanku aaney maanta isku doorsaneynin, Nabad Diid iyo Nirgo Caqliga ka carruur ah oo maskaxdoodu ku xawilantahey Addis-ababa Tuugsina la hor fadhiya xafiisyada Dowladda Dhexe iyo Niman hadaf leh, isku kalsoon oo isku tashaday Tiigsanayana in ay Deegaankooda gaadhsiiyaan Dalalka Dhaqaalahoodu Dhex-dhexaadka yahey.

Malaysia’s economic growth is real. Only the blind and the deaf will maintain that it is not real.
Mahathir Mohamed

Horumarka dhaqaale ee Malaysiya waa dhab. Kuwa indhaha iyo dhagahaba li’i se, waligoodba ha beeniyeen oo tororogtooda ha la soo taagnaadeen.
Mahathir Mohamed

Waxba kama jiraanada iyo beenta ay baahiyaan ee ay akhristayaasha iyo Tororoglayaashu ku kala dhinteen, waxaa ka mid ah:
a)
Markey Tororoglayaashu ay soo xadeen Sawiro uu xuquuqdooda leeyahay Farshaxanka      Caalamiga ah ee Amiin Caamir oo ay magacyadii asalka ahaa ka been abuureen oo ay ka badaleen. Waa arrimaha daliilka u ah in aaney Tororoglayaashu aqoon iyo khibrad toona u lahayn Qalabka Warbaahinta ee ay adeegsanayaan iyo qawaaniintiisa toona
b)
Markey Tororoglayaashu ay war ka dhigteen: Cabdi Iley oo lagu garaacay Mareykanka.
Caqli xumaa Tororoglayaashu miyaaney islaba yaabeynin oo aaney waxbaba ka xishooneyn.
Horta Tororoglayaashow ma isweydiiseen, sheeko iyo shaahid toona, Cabdi Iley baa wax garaacay mooyee, isagaa la garaacay wax sheegaya.

Waan hubaa marka aad waxaa qoreysaan in aydaan idinka Tororoglayaasha ahi laftiinu aydaan rumeysneyn. Akhristayaasha oo idin yaqaan waxaad tihiin, waxaad gashaan iyo waxaad guddaana maxaad ka fileysaan.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka weyn nin ay Tororoglayaashu maanta Caalamka iyo Soomaali toona baraan Nimuu yahay, in la garaaci karo iyo in kale.

Tororoglayaashow, hadeydaan is yeel-yeeleynin ama aydaan dariiqyada Addis-ababa, daafaha iyo keymaha aydun wareegeysaan ku khafiifin, Cabdi Iley cidi idinkama badiso.

Ina Maxamuud Cumar, dhiil xoor leh waligii ma waayin, ilaaheyna ciil ma badin oo abtiyaaladii buu ku dhex barbaaray. Caqli, Karti, Raganimo iyo Geesinimona Eebbe kalama bakhaylin.
Idinka hadaba, aan meel gaaban idinka siiyee, wallee Hooyadii Diib Mahad Colow baa Nin dhashay.

Tororoglayaashow, waa iga Talo iyo Dardaaran eh, ka fiirsada waxa aad malmaluuqeysaan inta aydaan soo bandhigin oo qiimeeya khasaaro iyo faa’iido wuxuu mujtamaca bulshada, Dalka, Dadka iyo idinkaba u keeni karo.

Isu miisaama waxa aad baahineysaan noocuu doonaba ha ahaadee iyo garaadka ama maskaxda cidda uu mowduucu ku wajahanyahay.

Baadhitaan, hubsasho iyo isku shaandheyn taxadar ku saleysan iyo ku talagal khaas ah ku sameeya, marba bulshada qaybaheeda kala duwan ee barnaamijku ku socdo.

Tororoglayaashow, ilaa iyo hadda waxa aan idinka arkey ee aad baahineysaani, hadey qoraal tahay iyo haday cod tahayba, waa kuwo aad u tosheen ama ugu tala gasheen oo ku cabiran maskax iyo garaad carruureed.

Wali waanu idinka sugeynaa Warbaahintii aad ugu talo gasheen bulshada qaybta Waxgaradka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta Caqligoodu bislaaday ee labada sadar dhexdooda akhriya.

ka xishooda oo ka fiirsada waxyaabaha laga yaq-yaqsoodo iyo beenta aan sal iyo raad toona lahayn ee aad baahineysaan idinkoo dhowraya anshaxa iyo asluubta ay warbaahintu leedahay oo nimanyahow, Saxaafadda Ciyaarta ka daaya.

Xigasho: (Maqaal: Qorshaha Cabdi Iley & Siyaasaddiisa)

Cabdi Iley waa Hogaamiye Dawga yaqaan, Dawga mara, Dawgana Bulshada tusa.
Waa Hogaamiye si geesinimo leh ugu istaaga una yidhaahda weedha uu damco.
Isla markaana waa Hogaamiye si geesinimo leh ugu fadhiista una dhageysta weedha lala damco.
W/Q: Abduljabar Sh. Dahir 2014

Waxaa la yidhi: Been mar baa lagu cabbaa, lagumase rakaato

Tororoglow, Itoobiya manta wey isku duubantahay. Wey dhaaftay waqtigii been abuurka iyo dacaayadda lagu kala furfuri jirey ee hubka la isugu dhiibi jirey.

Danta iyo horumarka uu gaadho Deegaan ka mid ah kuwa uu Dalku ka koobanyahay, waa danta iyo horumarka Deegaanada kale oo dhan. Sidaa daraadeed danta Deegaanka iyo ta Dalka iyo Dadka Itoobiya guud ahaan, waxay ku jirtaa, oo ay waliba ka buuxdaa, hogaanka iyo maamulka suuban ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa la yidhi: Hunguri wed ma arko.

Tororoglow waxaad ku xawilantahay Addis-ababa oo Jig-jigaba ma aragtid. Kalsoonidii iyo damiirkii baa kaa dhintay. Waxaad iska dhaadhicisey ood aamintey, in inta lagaa soo gano sida madfaca Addis-ababa lagugu fadhiisin doono hogaanka deegaanka.

Hadaba Tororoglow waxaad ogaataa in Shucuubta Itoobiya ay dhamaantood qoomameynayaan in aaney Unug (Cell) jidhkiisa ka mid ah kala hadhin Hogaamiyahoodii ay jeclaayeen Malas Sanaawi intii uu noolaa. Si ay ugu suura gasho iyagoo adeegsanaya cilmiga sayniska casriga ah ee loo yaqaano (Human Cloning) Unug Dheega aadamaha ay u helaan Sanaawi kale oo ay mustaqbalka u aayaan.

Tororoglow waxaad ogaataa in uu Cabdi Iley ka mid yahay Hogaamiyeyaasha nool ee Dalkan Itoobiya loogu jecelyahey ee la rabo in Unugyada jidhkooda kuwo ka mid ah loo keydiyo Dalkan, si loo helo, Hogaan daacad ah, Maamul suuban iyo horumar taxane ah mustaqbalka.

Tororoglow waxaad ogaataa, geerida iyo hebel baa dhimanaya oo maalmo tirsan baa u hadhey oo aad bulshada war uga dhigtaani iin aaney idinka iibsameynin oo geeridu xaq tahay loona simanyahey, cidina aaney idiinka futo xumeyn.

Tororoglow khaladkaaga iyo khasaarahaba qiro, oo toobad keen, cafiska Madaxweynuhu kuu fidiyeyna ka faa’iideyso oo waxaad tighaahdaa:

Waxaan taag iyo tamar lahayn isugu geyney Cabdi Iley dheh.

Talaba maanaan heyne, tiisuunbaanu kala tuura is lahayn dheh.

Dagaalkii iyo weerankaan la tiigsanney, nagaga tag roonaa oo naga dul talaabsey dheh.

Ubadayadii toban toban buu isugu xidhey oo madaxuu ka wada toogtey dheh.

Tab kasta oon la nimaadnaba, tiisa marka la bar-bar dhigo, taayadu tuur yeelatey dheh.

Waxa na tafaafuley waa taageerayaashiisa taxan Dal iyo Dibad tan iyo labada magaalee mataanaha ah dheh.

Darajo iyo xil wuxuu nagu taxay, marbuu naga wada tiriyey dheh.

Talo nagu cadaatey oo waa nala wada tuurey dheh.

Tuugsi baanu miciin moodney oo tahriib baanu ku taameynaa dheh.

Waxaanu kula tacaali jirney iyo tiknikeyntii markaanu weyney, hoostey ka cadaadeen timahaanu madoobeyn jirney dheh.

Todobayadii nirgood ee talo xumeystay, inuu qasiir basiirku ka tashan doono, ninbaa horey u saadaaliyey dheh.

Ogaden24, degaanka.com iyo Ilays TV dagaalkii dhammaa oo waa horaa lagu kala tagey dheh.

Intey goori goor tahay towbadda ku soo dhawaada tuura shaadhka qadhmuun oo tabiya horumarka iyo tallaabooyinka suuban dheh.

Haatan iyo dan taariikh horloo cusub, tartiib taxaddarkuna dheeryahay diyaar baanu u nahay dheh.

Intaan tiisu galin, talada hogaanka Deegaanka oo uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud noo hayaa waa naga talo  iyo go’aan buuxa dheh.

Akhristayaal, anigoo fursadan ka faa’iideysanaya, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, golaha xukuumadda, XDSHSI iyo shacabka DSI guusha uu ku soo gabagaboobey socdaakii Caano & Nabad ee uu Madaxweynuhu ku soo marey Dalka Maraykanka.

Waxaan sidoo kale Mahadnaq, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Suldaan Mohamed Suldaan Bade Suldaan Cabdi iyo intii kala qayb qaadatay, qabanqaabada iyo ka midho dhalinta Socdaalkii iyo Shirkii Caano & Nabad ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud kula kulmey qurbo joogta u dhalatey DSI ee ku nool wadanka mareykanka ee uu Madaxweyne Cabdi Cafiska Guud ugu fidiyey dhamaan Tororoglayaasha ee uu ugu baaqey in ay ka qayb qaataan Nabadda iyo  Horumarka xowliga ku socda ee ka jira guud ahaanba Dalka Itoobiya.

Gabagabadii iyo gunaanadka qalinkeyga waxaan leeyahay:

Madaxweyne Cabdiyow, Dameer aad saarantahay dhuusadeedu waxba kuma yeesho.

Tororoglayaasha waxaan leeyahay: Ninkii ba’anow lagu fasax.

Wabillaahi towfiiq
Abduljabar Sh. Dahir
ajd13@live.com

Comments are closed