|

The Guardian Iyo AlJazeera oo kashifay Sir badan oo ku saabsan Hay’adaha Sirdoonka

Hargeisa 25.Feb 2015 (SDN/QJ)-Telefishinka Aljazeera ayaa habeenimadii Isniinta shaaciyey barnaamijlka (The Spy Cables) oo ah xog sir ah oo laga soo ururiyey hay’adaha Sirdoonka ee Caalamka, waxaana kamid ahaa sirtan Aljazeera heshay kuwa la xadhiidha sirdoonka dalalka, Maraykanka, UK, Isra’iil, Ruushka iyo Koonfur Afrika.

Sirtan ayaa inta badan ah xog qarsoodi ah oo ay isdhaafsanayeen sirdoonka Koonfur Afrika SSA iyo hay’adaha sirdoonka caalamka intii u dhaxeysay 2006 illaa 2014.

Barnaamijkan Aljazeera ayaa waxaa sidoo kale gacan kasiiyey Jariirada The Guardian ee kasoo baxda dalka Ingiriiska.

Beentii Netenyahu ee Iran

sir_1Sirta la heylay waxaa kamid ah Beentii Raysal-wasaaraha Maamulka Isra’iil Benjamin Netenyahu uu si ulla kac ah uga sheegay Barnaamijka Nukliyeerka Iran khudbadii uu 2012 ka jeediyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Netenyahu ayaa caalamka u sheegay sanadkii 2012 in dawlada Iran ay wado sameynta Hubka nukliyeerka oo ay hada dhameystirtay 70% barnaamijkeeda Nukliyeerka, halka sirdoonka Mossad ee Isra’iil ay laftoodu qireen in dawlada Iran aysan hada ku jirin wax la xadhiidha sameynta hubka Nukliyeerka.

Xidhiidhka CIA iyo Xamaas

SDNSirta la shaaciyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ah, in Sirdoonka Maraykanka CIA ay si hoose u dooneysay inay xadhiidh la sameyaan kooxda Falastiin ee Xamaas, xili dawlada Maraykanka ay isla xisbiga Xamaas ku dartay diiwaanka kooxaha Argagaxisada tan iyo sanadkii 1997.

CIA ayaa la sheegay inay ka codsatay Sirdoonka Koonfur Afrik SSA inay usoo raadiyaan shaqsiyaad ka tirsan Xamaas oo ay ku shaqeystaan.

Sirdoonka Koonfur Afrika ayaa la sheegay inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay hay’adaha sirdoonka ee xisbiyada Xamaas iyo Fatax ee Falastiin.

Hanjabaadii Obama iyo Maxamuud Cabaas

???????????????????Sirtan la shaaciyay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah xog ay sirdoonka Koonfur Afrika ka hayeen Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo la sheegay inuu khadka talefoonka ugu hanjabay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Hanjabaada Obama ayaa la xadhiidhay ololihii Maxamuud Cabaas ugu jiray in Falastiin ay xubin rasmi ah ka noqoto Qaramada Midoobay, arrintaasi oo uu Maraykanka kasoo horjeeday.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay telefishinka Aljazeera iyo jariirada The Guardian ay banaanka soo dhigaan sir badan oo ay ka hayaan hay’adaha sirdoonka dalalka ay ku jiraan Maraykana, Ingiriiska iyo Ruushka

 

Comments are closed