The Economist [Somalia: Dawlad Guul-dareysatay Waa Tii Ugu Xumeyd Afrika!] Oo Dawladda Soomaaliya Ku sifeysay Tii Ugu Xumayd Ee Afrika Soo Marta
Muqdisho 16.Sep 2016 (SDN/QJ):- Majalladda caanka ah ee The Economist, ayaa dibadda u soo saartay dawladnimadda aan cagaha adag ku taagnayn ee ka jirta Soomaaliya, waxaanay ku tilmaantay dawlad fashilantay tii ugu xumaa ee soo martay Afrika.
The economist, waxa uu sheegay iyadoo dhaqaale badan adduunku geliyay nabadeynta Soomaaliya ay haddana xaaladdu ka sii darayso, Warbixin dheer oo wargeysku ku qoray toddobaadkan, waxa aanu ka soo turjunay intii ugu muhiimsanayd waxaanay u qornayd sidan:-
“Soomaaliya waxa ay noqotay dowlad fashilanta tii ugu dareyd. Huteelada Muqdisho waa kuwa camiran, balse ma aha waxa buux dhaafiyay dalxiiseyaal, waase dilaaliinta hororsiga awooda, kuwaasi oo yeesha kulamo ay kaga hadlayaan sidii dowlad cusub loogu dhisi lahaa Soomaaliya. Sannadkan waxa loo gol leeyahay in la qabto doorashooyin qeyb ka ah dedaalka dib u dhiska ay dabada ka riixeyso QM. Haseyeeshee, xitaa nabad ilaaliyeyaasha ayaa macno la’aan u gaaf wareega qolalka qaboojiyeyaasha leh ee shirarka, iyada oo ay dagaaladuna ka socdaan dibadda’’.
‘’Huteelada ayaa u noqdey bartilmaameed maleeshiyada. Iyada oo ay ku baxdey faragelintii ugu kharashka badneyd ayaa Soomaaliya waxay weli tahay dawlad guul-dareysata Afrika tii ugu xumeyd. Tan iyo 1991 kii, markii keligii taliyihii Siyaad Barre ay afka dhulka u dareen jabhadihii, waxay dawladnimadii Soomaalidu noqotey mid u jirta magac ahaan kaliya. Madaxda fadhida Muqdisho ma awoodi karaan in ay booqdaan dalka intiisa kale. Soomaaliya tan iyo 2007-kii waxa soo buuxiyay ciidamo ka kala yimi dalalka jaarka, kuwaasi oo ay ugu soo horeeyeen Itoobiyaankii 2006 u soo galey in ay Muqdisho ka saaraan dowladdii bilowga aheyd ee islaamiga’’.
‘’Arrintaasi waxa ay natiijadeedii noqotey in la sameeyo dowlad ku meelgaadh ah oo ay ka dambeeyeen reer Galbeedku, waxaana abuurmey cadow cusub oo ah Al-shabaab oo ka soo dhex baxay islaamiyiintii. Al-Shabab waxa ay markiiba doorbidey in ay qaado dagaal jab-hadeyn ah. Iyada oo dedaalkeedu ahaa in jihaad doonku halkiisa ka sii miiso. Dowladaha reer Galbeedka ayaa maalgelin ki bixiya AMISOM oo leh ciidan 22,000 oo askar shisheeye ah oo kaga howlgala Soomaaliya amar wada jir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika. Maanta islaamiyiintu wax yar ayay ka xukumaan magaalooyinka. Haseyeeshee Soomaaliya waxa ay ku sii jirtaa xaalad ammaan darro oo qoto dheer’’.
‘’Magaalada Muqdisho waxa laga cabsadaa afduub ama wax ka sii daran, shisheeyuhuna waxa ay badanaa isku xidhaan madaarka caalamiga ah oo ay bidaan nabadgelyo, halkaasi oo ay ilaaliyaan dhismayaal adag iyo ciidamo Yugaandha ah. Wixii ka baxsan xeyndaabkan ayaa ah khatar in aad qaadato taksi ama gaadhi gaashaaman. Qeybaha kale ee dalka, gaar ahaan koonfurta waxa ay ciidamadeeda Amisom ku nool yihiin kaamam qalcado ah, halka ciidamada Al-shabaab gaaf wareegaan xaafadaha, una howlgalaan sida ay doonaan. Soomaaliya waxa ay leedahay nidaam fadaraal ah oo macanahiisu yahay in ay dabaqdo, balse wixii ka baxsan Muqdisho dowladda dhexe waxba kama aha. Midowga Yurub waxa ay bishii Febarweri jartey 20% kharashaadkii ay ku bixin jirtey nabad ilaalinta Soomaaliya.Taasi ayaa keentay weeraro is dabajoog ahaa oo haleelay ciidamada Amisom oo ku keenay deeq bixiyeyaashii in ay is taahil tahay waxa ay bixinayaan iyo in kale. Ciidamada Kenya waxay joojiyeen dagaalkii sannadkan’’.
‘’Yugandha ayaa iyana qorsheysay in ay kala baxdo ciidankeeda dhammaadka 2017, in kasta oo uu hadda Madaxweyne Yoweri Museveni ka fikirayo in ay halkaa ku sii sugnaadaan. uma eka in ay ciidamadu si buuxda uga wada baxayaan. Marka loo eego sannad ka hor dhibaatooyinka Soomaaliya waa ay sii adkaadeen. Al-shabaab ayaa noqotey ciidan jabhadeynaya. Arrimahaasi oo dhan dhaqso looma qabanayo haddiiba ciidamada shisheeye baxaan. Haseyeeshee xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahi waxa ay tahay – Soomaaliya oo yeelata dowlad shaqeyneysa iyo jidad ammaan ahi waxa ay u muuqataa mid aad u fog’’.