Texas:Toogasho Lagu Dilay Laba Dhallinyaro ah Oo Weeraray Goob Lagu Abaablmarinayey Kooxaha Sawir-gacmeedyada Ka Sameeya Nebi Muxamed N.N.K.H.
Texas:May,04,2015(SDN/QJ)-Laba Nin oo ka cadhooday shirar islaamka ka dhan ah oo ka dhacayey Gobolka Texas ee Dalka Maraykanka, ayaa dhintay nin kale oo waardiye ahaana waa la dhaawacay.
Shirka Halkaas ka dhacayey ayaa ahaa mid lagaga soo horjeeday islaamka, waxana sooo abaabulay urur la magac baxay difaaca xorriyaadka, waxana la dhiirrigelinayey dadka sawir-gacmeedka ku muujiya Nebi Muxamed N.N.N.K.H.
Ugu yaraan75-qof oo dadkii halkaas ku shirayey ahaa ayaa si degdeg ah loo daad gureeyey, waxana rasaasta markii hore goobtaas oodda kaga qaaday Kooxda Dablayda ah ee dhintay oo la kulmay waardiyayaasha iyo ciidamada Booliska oo si weyn u feejignaa.
Kooxda Shirkaas soo abaabushay, ayaa qof kasta oo sawir-gacmeedka Nebi Muxamed muujiya loo Ballanqaaday in la siin doono lacag dhan $10,000, waxana arrintaasi si weyn uga cadhooday Muslimiinta oo dhiillo ka muujiyey in la isku laaluusho Cayda Suubahooda Muxamed N.N.K.H.
Dhacdadani wali Saraakiisha Ammaanku kama soo saarin war rasmi ah, waxase socda Baadhitaanno loogu jiro sida arrinaasi u dhacday ee weerarka noocaas oo kale ah loosoo abaabulay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com