|

Telefoonada Madaxda Dawladda Federal-ka ah Oo La Dhegaysto iyo Wasiikra Boostada oo Sheegay Inuu Tallaabo Qaadi Doono

Muqdisho:19-April-2014 (SDN/QJ)-Dawladda Federal-ka ah ee Somalia, ayaa ku dhawaaqday in  la Qaadi Doono Tallaabooyin lagaga HOrtagayo Telefoonada la Dhegaysto  kadib markii dhawaanahan la Dhegaystay Telefoonka Madaxweyne Xasan sheikh.

maxaaaaXilli uu Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Ibraahim Xaaji La Hadlayey Idaacadda Dawladda, ayuu sheegay inay si  dhaw ula socdaan In Sirdoonka Maraykanku ay dhegaystaan Telefoonada Madaxda Soomaalida, waxana uu intaas ku daray in arrintaasi aanay sii socon doonin.

Wasiirka ayaa sheegay  in dowladde ay dedaal ballaadhan u gali doonto siddii wax looga qaban laha arrintaas isla markaana la xafidi doono sirta madaxda dowladda oo Haatan u muuqata mid Washington taalla.

Wasiirka ayaa caddeeyay dowladda in ay dedaal ugali doonto siddii loo maamuli lahaa taleefonada sidda gaarka loo leeyahay ee dalka ka dhisan.

Marar Badan ooh ore ayaa la  in taleefonada madaxda dowladda la dhageysto, waxaana ugu dambeyay madaxweynihii horre Cabdullaahi Yuusuf Axmed AUN oo la sheegay in si toos ah loo dhageysan jiray taleefonkiisa.

Ma cadda sidda dowladda ay wax uga qaban karto taleefonada madaxda oo la dhageysto waddamo badan oo cudud leh oo madaxdooda taleefonada laga dhageystay ayaa wax ka qaban waayay.

Dhegaysiga Telefoonada ayaa sanadahan dambe waxa si weyn loogu xantaa Dalka Maraykanka oo si weyn u dabagala Madaxda Dhammaan dawladaha Caalamka Hoggaamiya, waxana dhawaanaha Dalal badan oo Yurub ahi ay si weyn uga qaylinayeen Tallaabooyinka Noocaas oo kale ah.

 

S.D.N/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed