Telefishanka Universal Oo Laga Mamnuucay Deegaanada ay Ka Taliyaan Maamulka Jubba Land
Kismayo:Aug,24,2015(SDN/QJ)-Sida lagu sheegay war kooban oo xafiiska warfaafinta Jubba Land kasoo baxay, waxa Gebi ahaanba la mamnuucay inuu Telefishanka Universal ka hawlgalo Deegaanada uu maamulkaasi ka arrimiyo.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubba Land Md Cabdi Nuur Cali Aadan, ayaa ku eedeyay Telefishinka in uu sameeyay warbixino aanu maamulku Jeceleysan isagoo ku dhaliilay in uu nabadgelyo darro ka shaqeeyay.
Mar sii horeysay maamulka Jubbalnad ayaa digniin u diray xarunta dhexe ee Telefishinka Universal iyagoo ka cabanaya warar laga tabiyay.
Barnaamijka Faaliyaha Qaranka oo ah barnaamijka ugu xasaasisan ee ka baxa Telefishinka ayaa lagu weeraray hogaamiya maamulka Jubbaland Axmed Madoobe taa ayaa loo maleynaya in uu eedsaday Telefishinka oo sababtay in la xidho xafiiskiisii Kisamayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com