Telefishanka Somali Channel oo Laga Joojiyay Hawlihiisii War tebineed ee Gobolka Hiiraan
BeledWeyne 26.Jan 2014 (SDN)- Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu si ku-meel gaar ah u joojiyey howlihii warbaahineed ee telefishinka Somali Channel uu ka waday gobolka.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Beledweyne, Cabdikariim Shire Cabdi oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in telefishinku xalay baahiyey barnaamij lid ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada gobolka.
Cabdikariin ayaa tilmaamay in barnaamijka xalay la baahiyey looga been sheegay xaaladda nabadgelyo ee deegaanno ka tirsan gobolka, lana kicinayey dadweynaha deegaannadaas, iyadoo ay arrintaas ka qeyb qaadanayeen sida uu sheegay qurbejoog sheegatay inay ka soo jeedaan gobolka Hiiraan.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada dowladda, kuwa AMISOM, hay,adaha samafalka hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo wax garadka gobolkuba ay had iyo goor heegan u ahaayeen nabadaynta dadka deegaannada Kabxanley, Jeerrey deefow iyo kuwo kale, kuwaas oo ugu dambayan ku guulaystay inay salka u dhigaan nabadgelya deegaannada.
Cabdikariim Shire Cabdi ayaa ka dalbaday maamulka telefishinka Somali Channel inuu raalli galin deg-deg ah ka bixiyo barnaamijkii uu baahiyey xalay, kaas oo uu ku tilmaamay inuu hurinayey colaad ka aloosanta gobolka, wuxuuna qurbe-joogta ugu baaqay inay ka waantowdo hurinta colaado ka dhaca gobolka iyo guud ahaanba dalka.
BeledWeyne SDN.
Qurbejoog.com