|

Telefishanka Qowmiyadda Kurdiyiinta ee RUDAW TV oo Warbixin Cajiib ah ka Diyaariyey Somaliland DAAWO

Hargaysa  21. May 2017 (SDN/QJ):- Telefishanka Qowmiyadda Kurdiyiinta oo la yidhaahdo RUDAW TV, ayaa warbixin dheer oo ka sameeyay Somaliland. Waxaanay ka warrameen nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, cilaaqaadka ay caalamka la leeyihiin iyo fursadaha ay u haysato xiligan inay caalamka ka hesho aqoonsiga ay raadinaysay muddo rubuq qarni ku siman.

Warbixintan oo uu diyaariyay weriye  magaciisu yahay Ayub Nuri, oo dhawaan booqasho ku yimmid Somaliland, waxa kaloo uu si qotodheer uga sheekeeyay xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland ee ay fulisay Taliskii Soomaaliya. Waxa kale oo warbixintu ka sheekaysay  ballaadhinta dekedda Berbera iyo saldhigga Millatari ee Imaaraaraadka carabtu ka samaysanayo Berbera.

Comments are closed