Telefishanka Kalsan oo Barnaamij Ka Duwan Kuwii Hore ee Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka Laga Siiyay Somaliland Tafsiir Ka Bixiyey DAAWO
Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Saldhiga Mileteri ee Dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ay Somaliland ka Siisay Madaarka Magaaladda Berbera Waa Mid lagu Kala Qaybsan Yahay Waxtarkiisa iyo Waxyeeladiisa.
Siyaasiyiinta Somaliland ayaa aragtiyo Lidi Isku ah ka dhiibtay Saldhigan Mileteri Iyadoo dhanka Xukuumada looga arko Mid Somaliland u Soo Jiidaya Maalgelin Caalami ah,Maadaama Imaaraadku ka Mid yahay Dawladaha Awoodooda Mileteri aadka u Soo Kobcayso Hasa Yeeshee Siyaasiyiinta arintan ka soo Hor Jeeda ayaa ku doodaya in Somaliland ay Raadsanayso Colaad aan u dhawayn waxay ka Digeen Cawaaqibka ka dhalan Kara Saldhigan Waxaa kale oo ay Saluug Xoogan ka qabaan habkii Labada Gole u ansixiyeen Nuxurkii ay Xukuumadu Soo Hordhigtay ee Heshiiska Labada dal dhex maraya kaas oo Sheegeen inaanu Sharci ahaan Waafaqsanayn Nidaamka loo ansixiyo Heshiisyada Noocan oo Kale ah.
Hadaba Telefishanka Kalsan ayaa Diyaariyey Barnaamij lagu falanqaynayo Qadiyada Saldhigan In Kasta oo Muuqaalkani uu Yahay Hor dhaca Barnaamijka ayaa diirada lagu Saari doonaa Cawaaqibka ay Somaliland kala Kulmi doonto Saldhigan Mileteri.