|

Telefishanka HCTV oo Xus U Sameeyay Saddex Suxufi oo ka baxay & Nuxurka Hadalladii Masuuliyiinta DAAWO

Hargeysa, 20 December, 2015-(SDN/QJ):- Masuuliyiinta iyo Hawl-wadeennada kala duwan ee Telefishanka Horn Cable, ayaa magaalada Hargeysa Xus ugu sameeyey Allaah ha u naxariistee Saddex Suxufi oo ka tirsanaa Horn Cable TV, isla markaana ku kala geeriyooday magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacayo iyo Hargeysa.

SADEX MARXUUNSuxufiyiinta Geeriyooday oo kala ahaa Allaah haw u naxariistee Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo Magaaladda Muqdisho lagu dilay, Marxuum Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver) oo Gaalkacayo Lagu dilay iyo Allaah haw u naxariistee Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo Shil baabuur ugu dhintay Jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Xuska loo sameeyay saddexdaasi suxufi ayaa waxa ka soo qayb galay Murrashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha ururka SOLJA, Guddoomiyaha Dallada SONSAF, Guddoomiyaha Horn Cable, Agaasimaha HCTV, Maamulka, Wariyeyaasha ka hawl-gala Telefishanka HCTV, Wariyeyaal madax banaan iyo xubno kale.

Waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Telefishanka Madaxa Banaan ee HCTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, waxaanu xusay in allah haw u naxariistee Saddexdaasi suxufi ee siyaabaha kala gedisan uga baxay bahda HCTV ay ahaayeen xubno u huray dhiigooda shaqada telefishanka, isla markaana guddoomiyaha Telefishanka HCTV uu damaanad qaaday qoysaskii ay ka baxeen dhaqaalaha ku baxaya.

“Waxa aynu isugu nimid xuska allah haw u naxariistee Suxufiyiin aad ugu qaali ahaa telefishanka HCTV, kuwaas oo kala ahaa Marxuum Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis oo Magalada Muqdisho lagu dilay, Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver) oo isna gaalkacayo lagu dilay iyo Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo shil baabuur ugu dhintay jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Maamlka telefishanka HCTV oo uu hormuud u yahay Guddoomiye Farxaan Xaaji Cali waxa ay isla qaateen in qoysaska ay ka baxeen saddexdaasi Marxuum ay ka mid ahaadaan Bahda HCTV, lana gacan-qabto oo la siiyo wixii dhaqaale ah ee biilkooda joogtada ah.” ayuu yidhi Agaasimaha HCTV. Waxa kale oo uu kula dardaarmay Shaqaalaha Telefishanka HCTV In ay isku duubni ku hawl galaan kuna dedaalaan sidii ay uga sii horumarin lahaayeen telefishanka halka uu maanta taagan yahay.

Guddoomiyaha Telefishanka Calaamiga ah ee HCTV Md. Farxaan Xaaji Cali Axmed oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ku dheeraaday doorkii ay shaqada ku dhex lahaayeen suxufiyiinta xuskooda Shalay Hargeysa lagu qabtay “Waxa aan marka hore ilaahay uga baryayaa saddexdaasi suxufi ee xuskooda aynu u fadhinaa, runtiina waxa ay ahaayeen rag in badan dhiiggooda iyo dhuuxaba u shubay. Sida uu agaasimuhu uu u sheegay waxa aanu ka war haynaa qoysaskii ay ka baxeen saddexdaasi marxuum oo runtii ka mid ah bahda HCTV.” ayuu yidhi Farxaan Xaaji Cali

Sidoo kale waxa uu xusay in Shaqaalaha Telefishanka HCTV ay u siman yihiin dhibka iyo dheefta labadaba isla markaana aan cidnaba laga lahayn, waxaanu yidhi; “Waxa aan idiin sheegayaa in shaqaalaha ka hawl gala telefishanka HCTV aan laga lahayn ee aynu dhamaanteenba wada leenahay, waxaanad maanka ku haysaan in dhib iyo dheef labadaba aynu wada qaybsanayno.”

Farxaan Xaaji Cali Axmed, waxa uu intaas ku daray; “HCTV Waxa uu dhex u yahay bulshada oo dhan, mana jirto koox iyo cid gaar ah oo iska sheegan kartaa, tusaale yar hadii aan idin siiyo maalin baa qolo naga soo cabatay oo ay tidhi waxba nalagama siiyo telefishanka, laakiin markii aanu la kulanay aniga iyo agaasimuhu ee aanu u tusnay sida aanu ugu hagar baxno runtii way noo garaabeen waanan dhamaysanay, markaa sidaas baan telefishankan loo kala lahayn.” Faraxaan waxa uu sheegay in TV-gu si toos ah u tebin doono doorashooyinka ka kala dhici doona Somaliland iyo Soomaaliya 2016-ka iyo 2017-ka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay maamulka Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV Xuska uu u sameeyay saddexdaasi suxufi ee ka geeriyooday iyo waliba ka war qabka eheladii ay ka baxeen, waxaanu yidhi; “Waan ku amaanayaa telefishanka HCTV xuska ay u sameeyeen saddexdaasi suxufi ee ka baxay, waxaana iyaduna wax weyn ah in ay waliba kafaalo qaadeen eheladii ay ka baxeen.”

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto iyo Guddoomiyaha ururka SONSAF oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday dedaalka ay la yimaadeen bahda Telefishanka Calaamiga ah ee HCTV. Sidoo kale waxa ay u soo jeediyeen in hawl wadeenada ka hawl gala telefishanka caalamiga ah ee HCTV ay halkaasi ka sii wadaan.

Suxufiyiinta kala ah Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Cabdi Cali Ducaale iyo Cali Axmed Raabi (Cali Seenyo) oo iyaguna xuskaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay isku duubnida iyo wax korodhsigu u leedahay suxufiyiinta, waxaanay ilaahay uga baryeen suxufiyiintii ka baxay HCTV in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiintii saaka ka qayb gashay xuskaasi ayaa tilmaamay in telefishanka Horn Cable oo ka mid ah telefishanada gaarka loo leeyahay uu dedaal dheer u galay sidii uu sii taagnaan lahaa. Waxa kale oo uu saddexda suxufi ee ka baxay rabbi uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

“Allaah Haw u naxariisto Saddexdaas Marxuum ee aynu maanta xuskooda u fadhino, waxaanan ku amaanayaa Bahda HCTV dedaalka ay la yimaadeen. Waxaanse taas ii dabo taala iminka saddexdaasi suxufi ee ka baxay telefishanka HCTV laba ka mid ah oo kala ahaa allah haw u Naxariistee Marxuum Cabdisalaan Sheekh Xasan Xiis iyo Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver) waa la dilay, halkan oo ah Somaliland ma taalo taasi laakiin marmar baa la yara xidhaa waxaanay saxaafadu ku doodaa dhib lagu hayo. Somaliland suxufiyiinta way dhawrtaa ee aynu ku xamdino nabada iyo nimcada aynu haysano.” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Jamaal Cali Xuseen Murrashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ilaahay uga baryay suxufiyiinta ka baxay HCTV in uu naxariistii janno ka waraabiyo. “Allaah haw u naxariisto Suxufiyiinta ka baxay HCTV, waxaanan telefishanka HCTV ku amaanayaa dhexdhexaadnimadooda iyo waliba tabinta wararka.”

Intaasi ka dib waxa aqoon korodhsi ku saabsan habka tabinta iyo ilaalinta anshaxa loo qabtay suxufiyiinta telefishanka uga hawl gala Gobolada Somaliland iyo Dhulka Dawlada Puntland, kuwaas oo ay casharada siinayeen Suxufiyiinta kala ah Yoonis Cali Nuur, Maxamuud Cabdi Cali Ducaale iyo Cali Seenyo. Sidoo kalena Muqdisho ayaa xus la mid ah kan Hargeysa ka dhacay iyo waliba aqoon-korodhsi loogu qabtay Suxufiyiinta Koonfurta Soomaaliya ee Horn Cable TV.

Comments are closed