Telefishanka HCTV oo Hawada ka Maqan Arimaha loo Sibir Saarayo,Aamusnaanta Xukuumada Iyo Maamulka HCTV Iyo Mas’uuliyiinta Kililka 5aad oo ku dooday in Telefishankani ku Yaalo Goob aan Xasilooni ka Jirin
Hargaysa 21.June 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sifo sharciga caalamiga ah iyo ka Somaliland-ba baalmarsan weerar uga qaaday Telefishanka HCTV oo ay gabi ahaanba hawada ka saareen ka dib markii ay dacwad ka dhan ah u gudbiyeen shirkadda laga leeyahay dalka Israel oo maamusha Satellite-ka Thai com 5, iyagoo ka dibaaqaya warbixinihii uu dhawaan telefishankaasi ka diyaariyey xasuuqii ay ciidanka Liyuu Boolisku ka gaysteen tuuladda Jaamac Dubad ee degmadda Gaashaamo oo ay si wayn uga cadhoodeen.
Xidhiidho aan la sameynay Telefishinka Horn Cable ayay inoo suura geli weyday inaan wax ka ogaano sababta rasmiga ah ee uu Telefishinku uga maqan yahay Satellite-ka Thai com 5, kaasoo sahli jiray in laga daawo meelo badan oo Caalamka ka mid ah.
Maamulka kililka 5-aad ee Ethiopia ayaa arrimaha kale ee la sheegay inay sida fiinta uga qayliyeen waxa ka mid ah warbixintii uu tv-gaasi ka baahiyey Badhasaabka gobolka Togdheer Mr Maxamed Aadan Qabo oo kormeer kusoo maray deegaanada Xaaji-saalax iyo Bali-dhiig oo ku dhaw xadka labada dal iyo sidoo kale hadaladii dhawaan uu guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ku durray maamulkaaasi.
Amuuraha kale ee ay dawlad-deegaanka Ethiopia ku qaniineen HCTV waxa ka mid ah su’aashii ay waydiiyeen wasiirul-dawlihii arrimaha ee dawladda federaalka ee Ethiopia oo ku taxaluqaysay sida ay u aragto xukuumadda dhexe ee Ethiopia xasuuqii ay Liyuu Boolisku ka gaysteen Jaamac Dubad, taas oo uu wasiirul-dawlahaasi si cad u sheegay inay wax ka qaban doonaan oo ay sharciga horgayn doonaan cidkasta oo ay ku cadaato inay ka danbeeyeen dilka dadkaasi.
Ilo wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa Shabakada Qurbejoog u sheegay in Wasiirka Warfaafinta ee Dawlad deegaanka Somalida Ethiopia uu Qoraal u diray Shirkada Maamusha Satellite-ka Thai com 5 isla markaana uu sheegay inaanu wax sharci ahi ka jirin oo ay bilaa deganaansho tahay Somaliland, Warku wuxuu intaas ku darayaa in Wasiirkan laga soo xigtay in Warbiximihii Telefishanka HCTV diyaariyey ay kala xaajoon doonaan dawladda federaalka ah ee Somalia, taas oo fadeexad ku noqonaysa Somaliland.
Sidoo kale wariyihii telefishanka HCTV ee gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim ayaa maalintii shalay laga qafaashay gudaha magaaladda Wajaale, kaas oo sida xogo warbaahintu ka heshay sheegayaan uu u yeedhay guddoomiyaha degmadaasi qaybteeda Ethiopia oo u yeedhay Isaga iyo Afar Weriye oo ka hawl gala Telefishanada Somaliland una sheegay inuu doonayo inay shaqo u qabtaan Gaar ahaan Caleemo saar Suldaan, balse markii ay Gudaha u Galeen Xuduuda Itoobiya ee Togwajaale la xidhay inkastoo markii danbe ay soo daayeen afar ka mid ah Weriyeyaashii ay u yeedheen Hasa yeeshee Waxay Ciidamada liyuu boolisku u qaateen magaaladda Jigjiga Weriye Mukhtaar Nuux kaas oo ku xidhan Xarun Ciidan oo ku taala Magaalada Jigjiga.
Talaabadan farogalinta qaawan ah ee ay dawlad-deegaanka kilalka shanaad hawada kaga saareen HCTV ayaa noqonaysa mid dhabar-jab ku ah xidhiidhkii wanaagsanaa ee dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Ethiopia, iyadoo aan u meel-dayi doonin warbaahinta kale ee dalka sida Telefishanka Qaranka ee ay maamusho xukuumadda Somaliland.
Sida ay tibaaxayaan warbixino lagu qoray website-ka dawlad-deegaankaasi ee Cakaaranews wasiiro ka tirsan kililka shanaad ee Ethiopia ayaa u soo hanjabay ganacsato reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Ina Afdiinle iyo shirkadda Dahabshiil, kuwaas oo ay la xidhiidhiyeen inay door ku lahaayeen shaqaaqadii Jaamac Dubad iyo baabuurtii jaadka siday ee la isku laayey.
Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin faro-galintan qaawan ee ay maamulka kililka shanaad sameeyeen, taas oo xagal-daacinaysa xuquuqda ganacsi ee muwaadiniinteeda, maadaama oo HCTV yahay telefishan ka diwaangashan Somaliland oo uu leeyahay muwaadin reer Somaliland.
Gaba-gabadii waxa jira xogo sheegaya in dawladda Somalia warmurtiyeed ay kaga hadlayso arrimahan ay kasoo saari doonto magaaladda Muqdisho saacadaha soo socda, taas oo hadii ay dhacdo dhabar-jab ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland-ba.
Dhinaca kale Sanadkii 2013 ayay aheyd markii sidan oo kale Telefishinka Somali Chanel looga saaray qeybta Satelite-ka Thaicom 5, waxaana Telefishinka xilligaas baahin jiray barnaamij ay dhibsatay dowladda Itoobiya oo ay u aragtay inuu taageerayay Jabhada ONLF, taasna waxay keentay in dowladda Itoobiya warqad u qortay Israel, sidaasna looga saaray Telefishinka Somali Chanel Satelite Thaicom 5.