Telefishanka Dawlada Punt land oo Hawada ku soo laabtay,Iyo Shaqaalaha ka hawl gala oo Xuquuqdoodii Waayay
Garowe 17.June 2015 (SDN/QJ)- Telefishanka Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land ayaa Saacado door ah Hawada ka maqnaa,Sababta TV-gu hawada uga baxay ayaa ahayd kaddib markii dowladdu bixin weydey kirada Satellite-ka baahiya telefishinka.
Maamulka PLTV ayaa isla xalay shubay kirada labadii bilood ee ugu dambeeyey, wuxuuna telefishinku dib hawada ugu soo laabtey abbaare 8:00 fiidnimo ee xalay isagoo dansanaa muddo saddex saac ka badan.
Dhanka kale, shaqaalaha PLTV ayaan muddo saddex bilood ah qaadan mushaharaadkii iyo gunnooyinkii ay xaqa u lahaayeen.
Qaar kamid ah hawl-wadeenada TV-ga ayaa sheegay in ay marar badan cabasho u gudbiyeen maamulka telefishinka iyo Wasaaradda Warfaafinta kana dalbadeen in la siiyo xuquuqdooda, balse ilaa iyo hadda aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax ka qabatey cabashadooda.
Waa markii labaad ee telefishinka Dowladda Puntland muddo sanad gudihiis ah lacag la’aan hawada uga baxo.
Waxay ahayd Bishii September 4 2014 markii sidan oo kale Telefishinka khadka looga saaray kadib markii muddo afar bilood ah la bixin wayey kirada sattelite-ka.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli badi shaqaalaha dowladdu ka cabanayaan mushahar la’aan islamarkaana dhaqaalaha Puntland si weyn hoos ugu dhacay.
Waxaa xusid mudan, in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbaddii uu ka jeediyey xarunta baarlammaanka ku sheeegay in dhaqaaluhu si weyn u kobcay marka loo barbar dhigo sidii uu ahaa sanado kahor.
Garowe SDN/QJ