Telefiishan Laga Leeyahay Australia Oo War-bixin Dhiillo Leh Ka Diyaariyey Abaarta & Doorka Gaadiidka Cisbitaallada Guur-guur Ahi Ka Geystaan Gurmadka DAAWO
Australia 10. April 2017 (SDN/QJ):-Gawaadhida Gurmadka Deg-degga ah ee Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland ayaa dedaal ugu jira inay ku daaweeyaan Carruurta & hooyooyinka deegaano ay u soo qaxeen dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland guud ahaan, sidaa waxa lagu sheegay warbixin shalay la baahiyey.
Telefishanka SBS ee dalka Australia ayaa baahiyey barnaamij laga diyaariyey hawlaha gargaar ee hay’adda Bisha Case ee Somaliland oo kaashanaysa Ururka Bisha cas ee Australia, oo maalmahii u dambeeyey socdaal ku yimid Somaliland.
Barnaamijka oo laga diyaariyey sida gawaadhida Cusbitaalada guurguura ah ee Bisha Cas ugu hawlan yihiin wax-u-qabashada dadka xaaladaha abaaraha awgeed caafimaadkoodu liito, ayaa lagu bilaabay sidan:-
“Badi dadka jooga deegaanka Wacays-Dhukur oo deegaanka degmada Dilla ku taal waa xoolo-dhaqato ku caydhoobay abaaraha jira, oo gabood wax-u-qabasho u yimid.
Qoyska Cumar, waxay soo gaadheen deegaankan muddo shan bilood horteed ah, ka dib markii Adhi gaadhaya 300 neef, kaga baxeen abaaraha jira awgeed, xilligana gacantooda ku jiraan konton neef la quudiyo.
Cumar Cabdi ayaa sheegay inaanay weligeed soo marin abaartan oo kale, “Noloshayda hore uma arkin abaartan oo kale,” ayuu sheegay. “Waxaan la soo qaxnay xoolahii, laakiin markaan soo gaadhnay deegaankan dhamaantood way bakhtiyeen.”
Xaaskiisa Canab Muuse Aadan, ayaa xarbi ugu jirta quudinta lix ubad ah oo ay haystaan, oo wadaaga Cantoobo bariis ah maalin walba. Waxay sheegtay in ilmo saddex sannadood jira xilligan cusbitaalka ku hayso, halka gabadh kale ka dhimatay sannadkii hore.
“Waxa ku dhacay shuban, saddex maalmood gudahood ayey ku dhimatay.” Ayey raacisay.
Nasiib wanaag, gawaadhida u shaqeeya sida Cusbitaalada ee hay’adda Bisha Cas oo deegaanka yimid ayaa ku soo beegmay xilli uu xanuunsanayo ilmo ay dhashay canab, waxaana laga helay nafaqo-daro, markii la baadhay.
Madaxa dhakhaatiirta Dr. Saleebaan Ibraahim ayaa sheegay in muhiimada gawaadhida MCH-yadu yihiin daaweynta dadka ugu jilicsan, Dumarka iyo Carruurta, “Waxaanu u qabanaa dhammaan tallaalada kala duwan, sida dabaysha iyo teetanada” ayuu sheegay Dr. Ibraahim
Haddii loo baahdo, dhakhaatiirtu waxay bukaanada u gudbiyaan cusbitaalada ugu dhow, inkastoo adeegyada cusbitaaladu aanay ku badnayn dalka.
Waxaan booqanay waadhka nafaqo-darada xun lagu daaweeyo oo caasimadda Hargeysa ku yaal, xaaladdiisu way adkayd. 16 sariirood oo yaalay, halka shan carruur furshaan dhulka u taalay.
“Haddaan xaaladdu ka soo rayn, xaalad adag oo gargaarkan degdeg ayaa iman karta wakhtiga dhow,” ayuu sheegay Dr. Ibraahim.
“Badankoodu marka ay bogsadaan waxay ku laabtaan deegaanadoodii, inkastoo qaarkood dhintaan haddii xaaladdiisa wax-ka-qabad suurtoobi weydo.”
Dhinaca kale, Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada jamhuuriyadda Somaliland ayaa tilmaamay in xaaladdu halis tahay, una baahan tahay taakulany degdeg ah.
Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal oo dhalashada dalka Australia haysta ayaa ugu baaqay shacabka Australia inay ka qeybqaataan gargaarka loo fidinayo shacabka Somaliland ee abaarahu saameeyeen. “Ilaahay baa xaal oge, haddaan xaaladdu isbeddelin werwer weyn ayey leedahay. Waxaan ugu baaqayaa shacabkayga Australia inay ka qeybqaataan dedaallada lagu taakulaynayo dadka abaaraha daran saameeyeen.” Ayuu ku sheegay baaqiisa Xildhibaan Raygal.
Abaartan oo sii xumaanaysay saddexdii sannadood u dambeeyey ayaa gayeysiisay in dad gaadhaya 6.2 Milyan cunto yaraan soo waajahdo badakooda.
Waxa lagu jiraa xilligii Gu’ga, laakiin muuqaalka dhulku waa obos qalalan. Waxaan ku aragnay roob yar deegaamo aanu booqanay, balse daqiiqado ka dib wuu istaagay, taasoo xaaladda sii adkaysay, xanuuno dilaacana halis ka dhigaysa.
Ganacsatada dalka ayaa qaarkood caawiyaan bulshada, isla-markaana biyo ugu shubaan baraagaha.
Faadumo Cali, oo xoolo-dhaqato ah, waxay saacado u socotaa inay soo dhaamiso jirikaanadeeda., “Biyo maanu helin saddexdii bilood u dambeeyey,” ayey tidhi. “Markaan waraabiyo xoolaha iyo qoyska, biyahii way dhamaadeen.”
Barnaamijkan lagu falanqeynayey wax-qabadka caafimaad Hay’adda Bisha Cas ee jamhuuriyadda Somaliland iyo ururka Bisha Cas ee Australia oo xalay laga baahiyey telefishanka SBS ee dalka Australia ayaa la saadaalinayaa inuu wax ka taro qaadhaanka loo ururinayo dadka abaaraha ba’an saameeyeen ee dalka.