|

Taxanihii Tijaabi Aqoontaada Diiniga ah

Berlin Aug 04,2012(SDN)-Akhristeyaal waa Barnaamijkeenii diiniga ahaa iyo tijaabi Aqoontaada Bishan Barakeysan ee Ramadaan.
1-Su�aal Sheeg Bilaal IBin Rawaaxa Rc, Yuu Addoon u ahaa?

2-Su�aal Sheeg ninka kaliya ee uu Nebigeena (NNKH) Gacantiisa ku dilay?

3-Su�aal Sheeg ninkii dilay Geesigii ugu weynaa Islaamka iyo kii Gaalada ugu weynaa?

4-Su�aal Sheeg Dhulka kaliya ee halmar oo qura Quraxda arkay?

5-Su�aal Sheeg Magaaladda lagu dilay Xuseen Bin Cali Bin Abii Daalib Rc?
.

6-Su�aal Sheeg Magaca Boqor-weynihii Xabashada?

7-Su�aal Sheeg Boqor-weynihii Xukumi jiray Masar?

.
8: Suáal: Immisa Jis ayuu ka kooban yahay Quraanku?

9. Suáal: Immisa Suuradood ayuu ka kooban yahay Quraanka Kariimka ahi?


10. Suáal: Immisa aayadood ayuu ka kooban yahay Quraanka ?

11. Suáal: Suuraddee ayaa Quraanka ugu soo hor degtay?

Jawaabaha
A-Jawab: Wuxu Addoon u ahaa Umaya Binu Khalaf.
 b-Jawab: Wuxu ahaa Ubaya Ibnu Khalaf.
c-Jawab: Waa Waxshi Ibnu Xarb I Rc.
 D-Jawab: Waa Meeshii Badda aheyd ee Nebi Muuse Cs, uu Ushiisa ku dhambalay, Markii uu ka Cararaayey Fircoon iyo Ciidankiisii.
e-Jawab: Waxa lagu dilay Magaaladda Karbala ee wadanka Iraaq
f-Jawab: Waa Najaashi.
g-Jawab: Waa Fircoon
H-Jawaab: Quraanku wuxuu ka kooban yahay soddon (30) jis.
i-Jawaab: Quraanka Kariimka ahi wuxuu ka kooban yahay 114 suuradood.
J-Jawaab: Quraanku wuxuu ka kooban yahay 6236 aayadood.
-k-Jawaab: Waxaa ugu soo hordegtay Suuratu-Calaq (Al-Iqra) weliba shanta aayadood ee ugu horreysa.
soo diyaariye: jamac maxamed xandule
jamaca143@hotmail.com

Comments are closed