|

Tartankii Xifdiga Qur’aanka Ee Qaybta Hablaha Oo Lasoo Gunaanaday Iyadoo Abaal-marino Kala Duwan La Siiyey Hablihii Ugu Sarreeyey +SAWIRRO

Hargeysa 08.July 2014  (SDN/QJ):- Tartankii Xifdiga Qur’aanka Kariimka ee qaybtii hablaha ee maalmahan ka socday masjidka Cali-Mataan, ayaa shalay gelinkii hore lagu soo gunaanaday masjidka Rusheeye/Nuural Hudaa ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Xaflad ballaadhan oo loo qabtay ardaydii ka qayb-qaadatay tartankaasi ayaa waxaa kasoo qayb-galay qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka. Waxaana halkaasi abaal-marinno kala duwan lagu guddoonsiiyey arday faro badan oo ay ugu horreeyaan kuwii kaalmaha hore ka galay tartankaasi.

Culimadii halkaasi isugu timi hawshan tartankana gacanta ku haysay oo uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Aaden ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay in ujeedada tartannadan loo qabanayaa ay tahay sidii loo dhiirin gelin lahaa ardayda ahlu-qur’aanka ah.

Tartanka sannadkan ayuu sheekhu sheegay inuu ka firfircoon yahay tartannadii sannada hore. Sidaasi darteed ayuu yidhi ay wax waliba kordheen, isla markaana Shirkadda Dahabshiil oo maal-gelisayna ay dhankeeda kordhisay abaal-marinadii ay bixin jirtay.

Sheekhu waxa uu ammaan ballaadhan u soo jeediyey guud ahaan hablaha oo uu sheegay in heerka aqoontoodu ay xilligan aad u sarrayso. Waxaanu ka dhawaajiyey in amintan la joogo ay habluhu aad uga horreeyaan Wiilasha.

“Habluhu imika aad iyo aad ayey u wanaagsan yihiin, annagu madaarista Qur’aanka iyo meelaha waxbarashada ayaanu joognaa, hablaha ayaa aad uga horreeya imika innamada, Qur’aanka iyo Diintana iyagaa imika aad ugu horreeya, waana nimco weyn oo Ilaahay inna siiyey” Ayuu yidhi Sh Maxamed Aaden

Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyey “Waxaad arkaysaa markaad macaahidda Islaamiga ah ee Shareecada aad tagto, marka aad jaamacadaha tagto, waxaad helaysaa habluhu inay xagga hore ku jiraan. Tusaale haddaan idiin soo qaato, qaybta shareecada oo aan wax ka dhigo, hablo iyo innamaba ay dhigtaan, maalintii dhawayd ee aan imtixaanka qaadaynay kaalintii 1-aad inanbay noqotay, kaalintii 2aad inanbay noqotay, kaalintii 3aad inanbay noqotay, kaalintii 4aad inanbay noqotay, kaalintii 5aad baa dirqi inan (wiil) kusoo galay….”

“Markaa Qur’aan qudha oo aad akhridaan la idinka sugi maayo, akhlaaqdiisiibaa la idinka sugayaa, dacwaddiisiibaa la idinka sugayaa, fahamkiisiibaa la idinka sugayaa….” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aaden oo la dardaarmaya hablahaasi qur’aanka xifdiyey.

Sheekh Maxamed Cali Biixi oo ka mid ahaa culimadii ka hadlay munaasibaddaasi ayaa hablaha iyo guud ahaan dhallinta ku boorriyey inay awoodda saaraan Qur’aanka, si ay If iyo Akhiraba ay ugu liibaan, Isagoo halkaasi kusoo bandhigay tusaalooyin dhaxal-gal ah.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo isna halkaasi kalmad muhiima ka jeediyey ayaa halkaasi uga mahad-naqay cid kastoo gacan ka geysatay qabsoomidda tartankan oo hormood ay u tahay Shirkadda Dahabshiil. Isagoo aad ugu mahad-celiyey hablaha xifdiyey Qur’aanka Kariimka ah.

Sheekhu waxa uu goobtaasi ka sheegay inanta oo wax la baraa inay ka qiimo badan tahay Inanka. Isagoo axadhay isla markaana soo bandhigay qaabka iyo habka inanta wax la baraa ay uga wanaagsantahay inanka. Waxaanu bulshada ku baraarujiyey in wax la baro oo lala dedaalo hablaha iyo hooyooyinka.

“Weligiin iyo allihiin waxaad ku dedaashaan in marka ugu horreeya si uu waxyigu u dhadhamo aad tafsiirkiisa barataan, sidoo kale uu dushiina ka muuqdo, akhlaaqdiina, dhaqankiinNa, dacwadda aad faafinaysaane dadka sii gaadhsiinaysaan…” Ayuu yidhi Sheekh Dirir isagoo la dardaarmaya hablahan Qur’aanka xifdiyey.

Waxaanu intaasi raaciyey “Inanta xaafidadda ahi waa inay ka duwanaato hablaha kale, oo ay noqotaa qof sidaa qalbigeeda qur’aanku u qurxiyey, dhaqankeediina u qurxiyo, oo qof xaafidada oo hadana nooc kale ah waa in aanay noqonin, xirfad maaha qur’aanku, laakiin waa Cilmi iyo Cibaado isku jira, waa caddiya Ilaahay uu bixiyo, markaa caddiyadaasi waa inay dushaada ka muuqataa….”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa gunaanadkii dardaaran culus faraqa ugu guntay hablahaasi qur’aanka xifdiyey waxaanu yidhi “Da’diinu way yartahay Kalaamkii Ilaahay-na waad xafiddeen, mid walayba ku talo-gal inaad noqoto mucallimad noo soo biirtay oo fasal qabata, ama gurigeeda haku dhigto ama madaariskii ay ka baxday haku dhigto, oo aad ku talo-gashaa kumanyaal xaafidaat ah inaad adiguna soo saarto, laakiin hadhawto haddii barayfat aad gasho ama guriga uun aad dhex-muquurato, intii horena iska kaa masaxdood illawdo, waalidkii iyo macallinkiiba waad khasaariseen ..”

Intaa ka gadaal waxaa halkaasi lagu qaybiyey abaal-marinnadii hablahaasi xaafidaat-ka ah la siiyey, kuwaasoo ku tartamay 30-ka Juz iyo 15-ka Juz. Waxaanan halkan idiinku soo gudibinaynaa magacyada hablahaasi oo aanu u kala horreysiin doono siday kaalmaha ugu kala horreeyaan.

Hablahii Ku Tartamay 30-ka Juz

1- Fahiima Maxamuud Axmed Oo Lacagta Ay Ku Guulaysatay Dhantahay $ 1,000 USD Iyo Laptop.

2- Nuura Xasan Maxamed Oo Lacagta Ay Ku Guulaysatay Dhantahay $ 700 USD.

3- Samsam Cabdiraxmaan Cabdilaahi Oo Lacagta Ay Ku Guulaysatay Dhantahay $ 500 USD

 

Hablihii Ku Tartamay 15-ka Juz

1- Aniisa Cabdi Yuusuf Oo Lacagta Ay Ku Guulaysatay Dhantahay $ 400 USD.

2- Xafsa Cabdi Yuusuf Oo Lacagta Ay Ku Guulaysatay Dhantahay $ 300 USD.

3- Najma Axmed Sulaymaan Oo Lacagta Ay Ku Guulaysatay Dhantahay $ 200 USD.

Hablahan Waxaa intaasi u dheer oo si siman loo siiyey abaal-marino kale oo isugu jira Kutubta Qur’aanka Kariimka ah, Shandado, Saacado & Shahaadooyin.

 

Qaybtanna Waa Hablihii Darajooyinka Fiican Keenay Oo Isugu Jira Kuwii Ku Tartamay 30-ka Juz & 15-ka Juz Oo Iyagana Abaal-marino Farxad Geliyey Lagu Guddoonsiiyey Halkaasi:

 

Fahiima Maxamed Saciid

Nimco Xasan Jaamac

Nimco Jaamac Xariir

Caa’isha C/rasaaq Ibraahim

Umal-khayr Daa’uud Cabdi

Khadra Mustafa Maxamed

Xanaan Jaamac Cabdilaahi

Nimco Axmed Cilmi

Sucaad Axmed Cige

Ilhaan Qaasin Yuusuf

Maariya C/raxmaan Daahir

Faadima C/raxmaan Ibraahim

Subayda C/laahi Cumar

Samiira C/rashiid Warsame

Xanaan Carab Maxamuud

Xamda Kayse Cabdilaahi

Qaali Jaamac Daahir

Sumaya Aadem Faarax

Suhuur Axmed Khayrre

Muniira Mustafe Baashe

Raxma Muuse Sahal

Asma Warsame Jaamac

Warda Aden Cabdi

 

Waxaana halkaasi lagu soo gunaanaday tartankaasi oo maalmahan ka socday masjidka Cali-Mataan. Iyadoo culimadu ay ka dhawaajiyeen in tartannada dambe ee hablaha ay u qorsheeyeen haddii Eebbe ogolaado masjidkan xafladda lagu qaybtay ee Rusheeye.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed