|

Tartankii Labaad ee Quraanka Kariimka ah oo Madaxweyne Siilaanyo abaabulo oo Socda Daawo

Hargaysa 07.July 2014 (SDN/QJ)- Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Madaxweynaha Somaliland uu Agaasinkiisa Lahaa ayaa Galabta ka furmay Masjidka Cali Mataan.

Tartankan Waxaa ka Qayb qaadanaya 17 Xubnood oo ka kala socday Gobolada dalka halka Tiro taas la mid ah oo ah Gudida Tartankan iyana ay ka kala yimaadeen Gobolada dalka .

Tartankan Horyaalka Tartamada Qur’aanka Kariimka ah ayaa Socon Doona ilaa Maalinta Beri.

Sheikh Ismaaciil Cabdi Hure “Ismaaciil Dheeg” oo ka Mid ah Culimada soo agaasintay Qabsoomida Tartankan ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Markii labaad soo agaasimay tartankan sheekhu Waxa uu sheegay in tartankan ay ku tartamayaan da’ yar xul ah oo korka ka haysa kitaabka allah.

Isagoo intaas ku daray in ardayda ku guulaysata Kaalmaha Hore la Gudoonsiin doono Abaal Marino kala duwan Sida Gaadhi,Lacag iyo Hadyado kale.
Sanadkii hore ayay ahayd markii laqabtay markii ugu horaysay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee madaxweynaha Somaliland

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed