Tartankii Kubada Kolayga ee Garoonka Timcade oo la soo Gabo Gabeeyay iyo Wasiiro ka Qayb galay
Hargaysa 06.Aug (SDN) Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada,Maaliyada,iyo Macdanta ee Somaliland ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad lagu soo dhamaystirayay tartankii koobka bisha ramadaan ee Kubada Kolayga oo ka socday Garoonka Kubada Kolayga ee Timcade .
Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Somaliland Maxamud Xasan C.laahi (Qodax) oo halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in tartankan oo ay ku Loolamayeen Sideed Kooxood uu socday Mudo afar iyo Toban Cisho, Isagoo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee Tartankani soo maray.
Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Somaliland waxa uu Xusay inay kaalinta 1aad ku Guulaysteen Kooxda ku Ciyaarta Magaca Wasaarada Macdanta iyo Tamarta,halka ay Kaalinta 2aadna gashay Kooxda ku Ciyaarta magaca Jaamacada Alpha iyadoo ay kaalinta 3aadna ku Guulaysatay Naadiga ku Ciyaara magaca Dugsiga Mujaaahid Quule Aadan.
Wasiirada Dhalinayarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal , Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale iyo Macdanta iyo Tamarta Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo halkaasi ka hadlay ayaa iska daba maray faa’iidada ciyaaruhu u leeyihiin dhalinyarada iyo sida ay uga qayb qaadato is dhexgalka bulshada,Waxaanay sheegeen in dawlad ahaan ay ku dadaalayaan Sidii ay dhalinyarada ugu dhiirigelin lahaayeen Ciyaaraha si hoos loogu dhigo aafada tahriibta.
Gabo gabadiina Wasiirka dhalinyarada,ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Raygal ayaa Koobkii tartanka bisha ramadaan ee Kubada Kolayga Gudoonsiiyay Kooxda ku Ciyaarta Magaca Wasaarada Macdanta iyo Tamarta .
Xafladaas waxaa kale oo ku sugnaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada dhalinyarada,Ciyaaraha iyo dalxiiska,Gudoomiyaha Dalada Sonyo iyo Marti sharaf kale.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com