|

Tartankii Ciyaaraha ee Maanta Gobolada Sool iyo Sanaag oo Weli Socda iyo Gebilay oo Saaxil dhulka Jiiday LIVE U DAAWO

Burco 10.Oct 2015 (SDN/QJ)-Xulalka Gobolada Gebiley,Saaxil,Sanaag iyo Sool ayaa Maanta Wada yeeshay Ciyaar ka Mid ah Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland ee Ka Socda Magaalooyinka Boorama iyo Burco.
Xulalka Labada Gobol ee Gebiley iyo Saaxil ayaa Ciyaar adag ku Wada yeeshay Garoonka Xaaji Daahir Cilmi ee Magaalada Boorama,Xulka Gobolka Gebilay ayaa qaybtii hore ee Ciyaarta waxay hal gool ka dhaliyeen Xulka Gobolka Saaxil,Hasa yeeshee waxaa Mar kale u suuro gashay Xulka Gobolka Gebiley inay laba gool oo daran doori ah ku hubsadaan Shabaqa Xulka Gobolka Saaxil,Ciyaartaas ayaa ku soo Gabo Gabowday 4 Gool oo ay la Yimaadeen Xulka Gobolka Gebilay iyo Hal Gool oo ay Keensadeen Xulka Gobolka Saaxil.

Xulka Gobolka Gebilay ayaa leh 4 Dhibcood halka Xulka Gobolka Saaxil aanu waxa dhibco ah ka wadan Isla Markaana ay Tahay Ciyaartoodii Kowaad ee ay Yeeshaan.

sOOL-VS-sANAAG-655x360Dhinaca Magaalada Burco Xulalka Gobolada Sanaag iyo Sool ayaa Ciyaar aad u adag ku wada yeeshay Garoonka Alamse Studium ee Magaalada Burco. Ciyaartan oo ahayd Mid aad u adag isla markaana ay Labada Xul soo bandhigeen Hanaan Ciyaareed farsamadiisu Sarayso ayaa Waxaa qaybtii hore lagu kala nastay eber iyo eber, Markii qaybtii labaad ee Ciyaarta la isugu soo noqday ayaa labada xulba waxay bilaabeen Weerar iyo Weerar Celis waxaana u suuro gashay Xulka Gobolka Sool inay la Yimaadaan Gool si Qurux badan looga soo shaqeeyay Hasa yeeshee Xulka Gobolka Sanaag ayaa helay Gool ku laad Rikoodhe Ciyaarta ka Dhigay Bar bar dhac.

Xulka Gobolka Sanaag ayaa wata 2 Dhibcood Halka Xulka Gobolka Sool uu leeyahay Hal dhibic isla markaana ay tahay Ciyaartii Kowaad ee uu Ciyaaro.

Xulalka Daad Madheedh iyo Badhan ayaa Maalinta beri ah ku Wada Ciyaari doona Garoonka Alamse Studium ee Magaalada Burco.

Halka Maalinta Beri ah ay ku wada kulmi doonaan Garoonka Xaaji Daahir Cilmi ee Boorama Xulalka Gobolada Awdal Iyo Maroodi jeex.

 

Comments are closed