|

“Tartanka soo Socda shaki kama qabo Ilaahay idinkiisa siday u eegtahay iyo indhahay leedahay, KULMIYE waa intiisii oo…” – Guddoomiyaha KULMIYE

Hargaysa 22.June 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysan inay qabsoomaan horraanta sannadka 2017.

Muuse Biixi iyo WeedhiisiSidaana waxa uu Md. Muuse Biixi ka sheegay casuumad afur iyo casho ah oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ugu sameeyey qaybo ka mid ah qurba-joogga iyo madaxda laamaha xisbiga ee dibadda huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa xalay.

“KULMIYE maanta meel wanaagsan buu joogaa, tartanka soo socdana shaki kama qabo Ilaahay idinkiisa siday u eegtahay iyo indhahay leedahay, KULMIYE waa intiisii oo wuu weliba ka sii xoogaystay, KULMIYE waa xisbigaa 14 jirka ah ee ay isugu yimaadeen haldoorkii Somaliland oo dhami,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa raaciyey, “Xilka inna saarani waxa weeye KULMIYE lix sanno oo uu xilka hayey magaca loola baxay waa dawladdii waxqabadka oo uu dalka iyo dadka wax badan taray, innaguna iminka waddadaa la inoo jeexay ee waddada horumarka ayeynu sii wadi, wixii aynu toosinay ee wanaagan ee inoo baxay waynu sii wadi doonaa, wixii qalad ah ama aanay fursaddu inna siina iminka ayeynu daraasadeedii samaynaynaa oo aynu dhammaynaynaa.”

Comments are closed