Tartanka Saliid Saytuunta Oo Lagu Qabtay Dalka Turkiga !
Ankara 26. May 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Dalkaasi Turkiga ayaa qabatay Tartankii ugu horreeyay ee loo qabto Saliid Saytuunta oo lagu kal ogaanay Nooca ugu fiican Noocyada Saliid Saytuunta ee kasoo baxda dalkaasi, waxaana tartankani soo qabanqaabiyay UZZK ee ka masuulka ah wax soo saarka Saliid Saytuunta, waxaana Garsoorka tartankaasi hayay Aqoonyahano iyo Macalimiin waxa ka dhiga Jaamacadaha Dalkaasi Turkiga oo isla goobtaasi lagu guddoonsiiyay abaal marino aad u qiima badan Dadkii ku guulaystay tartankaasi.
Tartanka noocan oo kale ah ayaa ah mid dhiirigalinaya Muwaadiniinta oo qof kastaaba ku dedaalayo inuu soo bandhigo waxa wanaagsan oo uu ammaan iyo magac ku muttaysto.