|

Tartanka musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga oo aan weli lagu kala bixin

Ohio Mar 07,2012(SDN)-Tartanka musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka oo aan habeenimadii xalay lagu kala bixin inkasta oo Mitt Romney uu ku guuleystay tirada gobolada ugu badan ee dalkaasi.

Shalay oo lagu tartamaya ilaa toban gobol oo Mareykanka ka mida si markaa musharaxiintu ugu kala baxaan shirweynaha xisbigaa ka hor,taasi ma dhicin xalay.

Mitt Romney ayaa ilaa iyo haatan heysta taageerada ugu badan ee musha rixiinta,balse Rick Santorom ayaa qudhiisu heysta taageero balaadhan oo uu la tago shirweynaha.

Ma cada cida musharaxnimada ku guuleysaneysa iyo rajada uu ruuxaasi leeyahay in uu ka guuleysto madaxweyne Obaama Novemberta soo socota

 

SDN-Ohio

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed