|

Xulka Daad Madheedh oo Wacdaro ku Dhigay Dhigooda Gobolka Badhan oo Guushu ku Raacday 2 Gool iyo 1 Gool

Hargaysa 10.June (SDN) Xulalka Gobolada Gebilay,Awdal,Daad Madheedh iyo Badhan ayaa Maanta Wada Yeeshay Ciyaaraha is reeb reebka Gobolada Somaliland ee Ka Socda Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Stadium .

Ciyaarta Hore ayaa dhex martay Gobolada Awdal iyo Gebilay waxaanay ahayd Ciyaar adag oo ay labada Xulba isla dhaafi waayeen inay wax goolal ah kala dhashadaan labadii qaybood ee Ciyaartan ayaa ku dhamaatay Barbar dhac Eber iyo Eber ah.

Ciyaarta labaad ayaa dhex martay Xulalka Gobolada Daad Madheedh iyo Badhan labada Xul  ayaa u Muuqday kuwo is Ceshanaya isla markaana uu Gobol-kastaaba baadi goob ugu jiray Sidii uu ula Iman lahaa Goolal ay Guushu ku raacdo.

Qaybtii Hore ee Ciyaarta ayaa la isla dhaafi waayay Eber iyo Eber hasa Yeeshee Markii la Isugu Soo Noqday qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa Kubad si Qurux badan looga soo Shaqeeyay Waxaa Shabaqa Goolka Badhan ku hubsaday Ciyaar yahanka Gobolka Daad Madheedh ee lagu magacaabo Amiin oo Sita Nombarka 7aad oo dhinaca kalena ah Ciyaar yahanka ugu Goolasha Badan Mudadii uu Socday Tartanka Ciyaaruhu.

Xulka Gobolka Daad Madheedh ayaa marka kale waxa uu Weerar ku qaaday Goolka Gobolka Badhan waxaana u Suuro gashay in Ciyaar yahanka lagu magacaabo Mustafe Tooti oo Nombarka 8aad u Sita Xulka Gobolka Daad Madheedh ayaa u Saxeexay Goolkii labaad .

Xulka Gobolka Badhan ayaa markaas kadib waxay qaadeen weerar waxaana u Suurto gashay inay la Yimaadaan Goolkoodii Kowaad kadib markii Kubad laga Soo Shaqeeyay u si Qurux badan u daba mariyay Gool hayaha Gobolka Daad Madheedh Ciyaar yahanka lagu Magacaabo Ismaaciil Maxamed oo u Xidhan Finaanada 15aad .

Sidaas ayaanay ku Dhamaatay Ciyaartaas oo ahayd Mid ay labada Xulba soo bandhigeen Qaab Ciyaareed Hufan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed