Tartan Dhaqameed U Gaar Ahaa Dhallinyarada Oo Lagu Soo Gebogebeeyey Laascaanood DAAWO
Laascaanood, 3 May, 2016-(SDN/QJ): – Tartan suugaaneed lagu dhiirrigelinayo Mawhibada (talents) Ilaahay (SWT) siiyey dhallinyarada ee Aqoonta dhinaca dhaqanka iyo hal-abuurnimada, ayaa lagu soo gunnaanaday hudheelka Xamdi ee magaalada Laascaanood.
Xaflad si weyn loo agaasimay oo Xarunta Hidhaha iyo Dhaqanka ee Cakaara qayb ka qaadatay, isla markaana dadka ka qaybgalay badankoodu ku lebisnaayeen dharka hiddaha iyo dhaqanka u ah ummadda reer Somaliland, waxa goob-joog ka ahaa dhallinyaro tiradoodu dhantahay 19 xubnood oo mid gabadh ahayd, kuwaasoo ka qaybqaatay tartanka suugaanta iyo dhaqanka ah.
Mr. Guuleed-ayaanle Axmed Cumar oo ka socda Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ee Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin dhallinyarada badan ee ka qaybgalay tartanka ay qabteen oo ujeedadiisu tahay isdhexgalka bulshada, horumarka iyo nabadda.
“Sidaad la socotaan tartankan waxa qabanqaabadiisa lahaa Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland, iyada oo ujeeddada ugu weyn ee aannu ka lahayna ay tahay bal sidii dhallinyarada loogu dhiirrigalin lahaa dhaqanka iyo hal-abuurka,” ayuu yidhi Ayaanle Axmed Cumar.
Intaas ka dib waxa laguda galay tartankii, waxaana ugu horayn la tartansiiyay kooxihii ku tartamayay ciyaar dhaqameedka oo ka koobnaa saddex kooxood, iyadoo xubnaha Golaha garsoorku sheegeen in jiibta iyo jaanta ciyaaruhu aanay ahayn qaar hal ciyaara u go’an, balse ay dhammaan kooxuhu isku dhex darreen, jaan iyo jiib kala hab-duwan, sidaa darteedna ay qiimayntii noqotay mid ku qotonta farshaxanimada qofeed.
Waxa kaloo madasha xafladdu ka socotay ka bilaabmay tartan carcartiisa qaba oo hor leh, kaas oo ay ku baratamayeen dhallinyaro tiradoodu dhammayd sagaal iyo toban, oo ka koobnaa sideed iyo toban wiil iyo hal gabadh. Badaha kala-geddisan ee maansada ayaa tartankan loo furay, wax se’ shuruuddu ahay, in laga maansoodo oo keliya mawduucyada kala ah:
1- Nabadda
2- Horumarka
3- Is-dhex-galka bulshada
4- Iyo aafada suudaalidda(Tahriibta).
Sidoo kale, Afar gabdhood oo saddexda kooxood ka kala socday, ayey ku tilmaameen, in ay u aqoonsadeen in ay xubno ka noqdaan labo iyo tobanka qof ee ciyaaraha tartamada dambe ee magaca gobolka ku matali doona, kuwaas oo aan madasha laga magac-dhabin.
Ciyaartoyda xirfad ahaan loo bogay ayaa isugu jiray saddexda kooxoodba, waxa ayna waftiga Akaademiyada Nabadda iyo Horumarinta u wakiisheen in kooxda Dhaqanka ee Cakaara ay soo xulaan siddeedda cayaaryahan ee wiilasha ah, ee magaca gobolka Sool kaga qayb-gali doona tartamada soo socda. Sida oo kalena in ay iyagu shaaciyaan magacyada afarta hablood ee guddiga garsoorka ee wadajirka ahaa ay kaalinta koowaad ku qiimeeyeen.
Waxyaabaha ka reeban tartanka, waxa ka mid ah wax kastoo ka hor imanaya diinteena suubban ee Islaamka iyo cillad kasta oo dhaqanka iin ku ah, sida; qabyaaladda iyo aflagaadooyinka.
Gebo-gebadii waxaa lagu dhawaaqay magacyada maansoyahannadii kaalmaha hore ku guuleystay oo kala noqday sidan soo socota:
1- Cabdiraxmaan Axmed Xasan .oo galay kaalinta koowaad.
2- Xaliimo Xasan Xuseen, oo gashay kaalinta labaad.
3- Kaalinta saddexaad waxaa isku dhibco noqday labo tartame oo kala ahaa:
B- Maxamed Cabdicasiis Cali
T- Iyo Maxamed Axmed Jaamac Ciise.
Hasayeeshee, garsoorayaasha kooxda Cakaara ee magaalada Laascaanood, ayaa loo wakiishay inay qabtaan tartan kale oo lagu kala reebo laba xubnood eek u wada guulaystay kaalinta 3aad, kaas oo laysla gartay in ay maansooyin cusub soo curiyaan muddo toddobaad gudihiisa, si ay ugu kala baxaan.
Abaal-marinta xubnaha iyo kooxaha ku guuleystay tartankan, waxa loogu talo-galay in lagu guddoonsiiyo magaalada Hargeysa, halkaasoo ay sidoo kale kaga qaybgeli doonaan tartan kaloo dhex-mari doona kooxa ka soo kala baxa magaalooyinka Ceerigaabo, Burco, Berbera, Hargeysa Iyo Boorama, haddii Ilaahay yidhaah.
Tartanka sugaanta, ayaa ka socday magaalooyinka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag iyo Laascaanood ee Gobolka Sool toddobaadyadii u dambeeyey, kuwaasoo hadda la soo gunaanaday, iyadoo tartankaasna ay qabteen Kooxda Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland.
Tartan dhaqameedkan oo ahaa mid ay qabanqaabiyeen kooxda Maqal-muuqaalka Wareegga ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, waxa uu isugu jiray suugaan iyo ciyaar dhaqameedba, kaasoo laga qaban doono dhammaanba lixda Gobol ee Somaliland, iyadoo kooxaha guulaysta tartan guud loogu qaban doono Hargeysa.